HomeAll newsCol Rufle: "Ra'iisulwasaare Xamsa Waa Dambiile" (Wareysi)

Col Rufle: “Ra’iisulwasaare Xamsa Waa Dambiile” (Wareysi)

Col. Aadan Axmad Xirsi (Rufle) oo kamid ah saraakiisha DF ee gobolka Gedo xisaabsan ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah isagoo si gaar ah uga warbixiyay macluumaad la xariira shaqooyin aan horey loo shaacin oo uu Ra’iisulwasaare Xamsa ka qabtay dhanka xuduud beenaadka ay gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose la wadaagaan NFD.

Marka hore waxa uu si kulul uga hadlay dhibaatooyin baahsan oo ay ciidamada Jubband, kuwa Kenya iyo askar Mareykan ahu ka geysteen tuulo hoos tagta Kismaayo oo la yiraahdo Qudus, taasoo ay dagto sida uu sheegay beesha Sade.

Wuxuu dhacdadaasi eedeeda dusha ka saaray maamulka Jubbaland, wuxuu sidoo kale cambaareeyay warkii kasoo yeeray maamulka ee ay ku sheegeen iney baarayaan wixii ka dhacay Qudus. Rufle ayaa tilmaamay in illaa iyo hadda la la’yahay dad dhaawac ahaa oo ay kaxaysteen askarta Jubbaland. Maamulka Jubbaland oo aan xariir la sameynay si ay arrintan uga jawaabaan ma dhicin iney inaga aqbalaan wareysiga.

Intaasi kadib, wuxuu ka waramay ra’iisulwasaaraha cusub ee DF, Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sheegay in Xamsa uu yahay nin dambi weyn ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna u daliishaday dhowr qodob.

Halkan Ka Degso Wareysiga Col. Aadan Rufle

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular