HomeAll newsBoqollaal Ruux Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Rabshado Ka Dhacay Dalka...

Boqollaal Ruux Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Rabshado Ka Dhacay Dalka Uzbekistan.

Rabshado xooggan oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray boqollaal ruux oo u badan shacab ayaa ka dhacay gudaha wadanka Uzbekistan kadib mudaaharaadyo xooggan oo qeybo kamid ah dalkaas ka dhacay.

Wakiilka xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Uzbekistan ayaa sheegay in ugu yaraan 18 ruux ay ku dhinteen rabshado ballaaran oo ka dhacay gobolka Karakalbakistaan.

Ninkaan oo lahadalay TV-ga Uzbekistan 24 ayaa sidoo kale xaqiijiyay in rabshadahaas ay ku dhaawacmeen 243 qof oo isugu jira shacab iyo ciidan, wuxuuna intaas ku daray in dadka dhaawacmay ay ku jiraan 38 sarkaal oo katirsan ciidanka Booliska.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Uzbekistan ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamada ammaanku ay ku guuleysteen in ay dib u soo celiyaan xasiloonida gobolka, islamarkaana maamulka gobolka Karakalbakistaan uu fasaxay in xabsiga loo taxaabo dadkii rabshadaha waday, kuwaas oo isku dayay in ay la wareegaan awoodda maamulka magaalada Nukus ee xarunta gobolkaas.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Uzbekistan ayaa qalalaasahaan kadib ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay gobolkaas taas oo socaneysa illaa laga gaaro labada bisha Ogosto.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobalka Karakalbakistaan oo dhaca waqooyi-galbeed ee dalka Uzbekistan ka jiray dibad baxyo waaweyn oo ka dhan ah dawladda ka arimisa dalkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular