HomeAll newsAbiy Axmed Oo Ku Dhawaaqay Xasuuq Cusub Oo Markale Ka Dhacay Dalkiisa.

Abiy Axmed Oo Ku Dhawaaqay Xasuuq Cusub Oo Markale Ka Dhacay Dalkiisa.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in xasuuq cusub uu markale ka dhacay galbeedka gobolka Oromia, isagoo ku eedeeyay jabhadaha ka soo horjeeda dowladdiisa inay beegsadaan dadka rayidka ah.

Abiy Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ku sheegay in dagaalyahano ka baxsanaya duullaanka ciidamada amniga ay xasuuq daran u gaysteen dadweynaha gobolkaasi.

Wuxuu intaas ku daray inay socdaan howlgallo lagu baacsanayo mucaaradka, isagoona sheegay in dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Qellem Wollega ee gobolka Oromia ay la kulmeen xasuuq aad u daran.

Abiy Axmed ma uusan soo bandhigin tirada dadka halkaasi lagu laayay, hase yeeshee urur u dhaqdhaqaaqa Qowmiyadda Axmaarada ayaa wakaaladda wararka ee AP ku sheegay in inta u dhaxaysa 150 ilaa 160 qof lagu dilay weeraradaas.

Sidoo kale qof xasuuqa dhacay ka badbaaday ayaa warbaahinta dowladda Itoobiya u sheegay in halkaas laga soo qaaday ugu yaraan 300 oo meydad ah oo lagu dilay weerarada ka dhacay gobolkaas.

Xasuuqan cusub ayaa kusoo aadaysa 3 todobaad ka hor markii boqollaal qof oo shacab ah oo kasoo jeeda Qowmiyada Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay isla gabaolka Oromia, kaas oo lagu eedeeyay Jabhadda OLF.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular