HomeAll news30 Ruux Oo American Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Toogasho...

30 Ruux Oo American Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Toogasho Ka Dhacday Mareykanka.

Ugu yaraan 6 ruux oo American ah ayaa ku dhimatay 24 kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday waddanka Mareykanka.

Toogashadaan ayaa waxay ka dhacday goob xaflad ka dhaceysay ayna isugu yimaadeen dad badan, waxaana xafladda loogu dabaal dagayay Maalinta madax banaanida ee Mareykanka.

gobolka Illinois ee dalka Mareykanka ayaa ah halka uu ka dhacay weerarkaan, waxaana gabi ahaanba istaagay xafladdii ka socotay goobta, iyadoona dadkii isugu yimid ay ku kala yaaceen halkaas.

Marka qura waxaa is badalay jawigii goobta ay munaasabaddu ka dhaceysay, iyadoona la arkayay dad badan oo American ah oo la baxsanaya naftooda.

Goobjoogayaal la hadlay Wargeyska Fox News ee kasoo baxa Mareykanka ayaa sheegay inay indhadooda ku arkeen dad badan oo isugu jira kuwa dhintay iyo qaar dhaawacyo ah, waxaana lagu soo waramayaa inuu baxsaday fuliyaha weerarka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular