Ra’iisulwasaaraha DF, Xamza Cabdi Barre oo habeen hore si rasmi ah ula wareegay xafiiska ayaa khudbad uu ka jeediyay goobta uu xilka kula wareegayay uga hadlay arrimo dhowr ah.
Inkastoo khudbaddiisu u badnayd kaftan ku wajahan xukuumaddii hore, si duur xul ahna ugu diganayay Farmaajo iyo kooxdiisii ayuu dhanka kale kusoo hadal qaaday dagaalka ka socda Soomaaliya ee u dhaxeeya ciidamada shisheeye iyo DF oo garab ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ra’iisulwasaaraha ayaa u muuqday nin aan la socon xukunka diineed ee dagaalkan, sidaa darteed ayaa wuxuu wasaaradda Awqaafta ee hadda sii shaqeeneysa ka dalbaday iney u kala caddeyso xukunka dagaalkan.
“Wasaaradda awqaafta ee uu hadda sheekhu wasiirka ka ahaa xil baa saaran, wuxuu xil ka saaran yahay Muslimiin baan nahay, ha noo sheegto, dagaalka meeshaas aan la galeyno ma sax baa mise waa khaldan yahay? ma baadil baa mise waa xaq? waa iney noo sheegtaa? ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha DF.
Dad badan ayaa is weydiinaya sababta uu haatan Ra’iisulwasaaruhu u raadinayo xukunka dagaalka ay iyaga iyo shisheeyaha kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab? ma xaaladda wadankuusan la socon? ma shaki ayaa kaga jiraa xukunka dagaalka? ma wuxuu daawaday silsiladaha Saa’a maa yaxkumuun? mise wuxuu ku qanci waayay fataawidii faraha badnayd ee hey’adda culimada DF?
Iyadoo xaalkiisu sidaa yahay ayuu haddana ku goodiyay inuu la dagaalamayo Xarakada Al-Shabaab, taasoo micnaheedu yahay inuu galayo dagaal aanan wali loo kala caddeyn xaq iyo baadil waxa uu yahay xukun ahaan ama sharci ahaan.
Tallaabadii ugu horreysay ee uu Ra’iisulwasaaruhu qaado waxay ahayd in uu maalintii shalay booqasho ku tagay dhisme uu ku shaqeyn doono oo laga sameeyay xaruntii Xisbiga, gaar ahaan masjid halkaasi ku yaalla, waxaana la yaab lahayd in isaga iyo dadkii la socday ay kabahooda la galeen masjidkaas.
Waxaa wehlinayay Ra’iisulwasaarihii hore, Maxamad Xuseyn Rooble, wasiirro, taliyaal ciidan iyo qof haweeney ah, dhammaantoodna sida sawirka ka muuqata waxay masjidka la galeen kabahooda. Haddaba waa maxay waxa laga filan karo xukuumad shaqadeedii ugu horreysay ka dhigtay iney masjid kabaha la gasho.