HomeAll newsMunashid Caan Ah Oo Saacihii Lasoo Dhaafay Geeriyooday.

Munashid Caan Ah Oo Saacihii Lasoo Dhaafay Geeriyooday.

48-dii saac ee lasoo dhaafay waxaa isbitaal ku yaalla dalka Sucuudiga ku geeriyooday Munashidka caanka ah ee Cabdullaahi Al-Mahdaawi.

Al-Mahdaawi oo mudooyinkaanba la daalaa dhacayay xaalad caafimaad ayaa ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaal uu mudooyinkii lasoo dhaafay ku jiray.

Abuu Saral Mahdaawi oo la dhashay munashidka geeriyooday ayaa xaqiijiyay khabarka geerida walaakiisa, waxaana war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uu ku muujiyay muragada ay dareemayaan ee ku aaddan geerida walaalkiis.

Cabdullaahi Al-Mahdaawi ayaa kamid ah munashidiinta ugu caansan caalamka, waxa uuna qaaday anaashiid badan oo islaami ah, waxaana kamid ah astaanta Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada tan Al-Xayaatu Macal Qur’aan oo horey uga baxay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan.

Malaayiin ruux oo Muslimiin ah ayaa baraha bulshada kaga tacsiyeey geerida ku timid Cabdullaahi Al-Mahdaawi, kuwaas si weyn uga naxay geerida ku timid Munashidka.

Kusoo Biir Channelka Al-furqaan Ee Telegram.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular