HomeAll newsMicnaha Somali Wada Heshiis Ah Dunidana La Heshiis ah: WQ: Siyaasi Xassan...

Micnaha Somali Wada Heshiis Ah Dunidana La Heshiis ah: WQ: Siyaasi Xassan Fiyooke.

Xassan Fiyooke Cali oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si cilmiyeysan u cabbiray halkudhegga uu Xassan Sheekh doorashada ku galay iyo micnaha dhabta ah ee uu xambaarsan yahay, waxaana uu qormadiisa ku billaabay sida soo socota:-

1- Soomaali duullaan ku ah ummadaha deriska la ah ama Caalam kale ma jirto hadalkaana laba macne ayaa ku hoos jira.

A) Sabeen xir iyo Xaal marin la siinayo Kenya’. Emirates, AU, UN, Sacuudi Carabia USA,UK,EU, Djibouti..,,,,,, oo ay Farmaajo isku qardoofeen faragelin maamulkiisa iyo uga hiillin mucaaridkiisa isaguna udhigay Ilaalinta Madax bannaanida iyo ka gilgilasho faragelin shisheeye.

B)Xasan Sheekh waxaa uu ka faa’iidaystay Fursaddii dawacadii aragtay dharbaaxadii dhaban dhurwaa ku dhacday oo xisaabta saxday markuu arkay ciddii tiraahda dhulkayga anigaa iska leh inay Al-Shabaab ku xukun tahay Farmaajana aanu dersi ku qaadan sidaa daraadeed na uusan cidna wadanka ka yeelan intii suuragal ahna uu la yeesho ama la shirkoobo.

Tani waxay la macna tahay halhayskii Daahir Maxamud Geelle ee doorashada (Dadku waxay naga rabaan waa inaan Fahamnaa oo aan siinnaa) waa tallaabo laysaga beri yeelayo cid kasta oo taariikhda Soomaaliyeed maalin tiri waddankayga anaa iska leh Min Axmed Gurey ilaa farmaajo.

Waxaa la cambaareeyey halgannadii Ummaddu soo gashay sida Daraawiish, Dhagaxtuur dagaalkii 77, dagaalkii UNISOM, Dagaalkii Tigrey iyo dagaalka hadda lagula jiro gummaysiga hadda noo deggan Xalane.

2- Somali Heshiis ah macneheeda

Xasan Sheekh wuxuu fahmay Shisheeyuhu inay lexla jeclo aad u weyn ka leeyihiin Maamul goboleedyada ayna uga mudan yihiin Dawladda dhexe waayo waa waxa ay ku cadaadiyaan ama ay ku ridaan dawladda dhexe markay u arkaan inaanay danahooda agu adeegayn siday rabeen

Ogow haddii dawladda dhexe xoogaysato saxiixeeda qiimihiisu kor ayuu u kacayaa (Saxiix ma diidday dawlad goboleedyada ayaan feeraha kaaga soo kuusaynaa ilaa tiraahdo war iga debciya waa saxiixaa)

Waana sidii Xasan naftiisa kalkii hore loo galay.
Sidaa daraadeed waa inuu iska laaluushaa Federalkana ku wardiyaa. Somali wada Heshiis ah macneheeda dhabtaa wuxuu ahaan lahaa in la eego colaadda Somali ka dhex taagan maanta oo ah:1-Al-Shabaab 2- Somaliland.

Ilaa hadda ma muuqato Xasan Sheekh iyo intii ka horraysaba cid labadaa qodob xaggooda aadday marka laga reebo Erayo marin habaabin ah oo aan waaqaca nuxur ku lahayn sida:-

Gacanteenna waa u fidsan tahay ciddii isa soo dhiibaysa iyo Somaliland waa muqaddas wadahadal ayaana noo socda taasoo ah tactics
Ummadda lagu suuxinayo.
Bil-Caksi.

1- Somaliland waxaa loo wajahaa qaab aad mooddo san ka taabad (provocative approach) ayna ugu damaysay dadkii loo xulay wadahadallada sida kuwii mililka kiciyey sida Guulwade iyo kuwa wax ma garad ah sida Baaddiyow iyo kuwa bilaa mabda’ ah sida Shariif.

Nin aad walaalnimo ka rabto inaad Sheekh Shariif u dirto waxay iila muuqataa adigoo kab u taagay waayo qof ku caan baxay been iyo daba-maryo iyo maakirnimo inaad wakiilato adiga ayey ku sifaynaysaa.

Li taariikh Xasan wuxuu ahaa markii Somaliland ugu dhaweyd inay goaankeeda beddesho ninkii ku laaday.
2- Alshabaab:(Dersi lagama faa’idin wixii diif la soo maray) si kale (casharka keliya ee aan taariikhda ka barannay waa inaynaan taariikhda wax ka baran )waxaa yiri nin la oran jiray Robert Fisky isagoo falan qaynaya dagaalkii ina Bush ku qaaday Ciraaq (War On Terror)
Waxaa cajaa’bta ka mid ah dagaalkii argagixo la dirirka ee Reer Galbeed ku qirteen guuldarradooda kana baxeen inay madaxda Soomaalidu rabaan inay ka mira dhaliyaan xoogga ay ku tashanayaanna waa kii reer Galbeedka iyo dad ay soo kiraysteen.

Haddad tiraahdo war sow Afghanistan ma aragtaan waxay ku leeyihiin waa tusaale qaldan waayo Ciidammo ayaa noo dhisan Al-Shababna Taliban waa ka duwan tahay. Laakiin Farqiga Taliban iyo Al-Shabaab u dhexeeya waa guusha in mid guulaysta midna uusan weli guulaysan nin waliba oo guulaystaana waa fiican yahay.

Ciidamada Dawladdii Afgaan loo diyaariyeyna labaatan laab waa ka badnaayeen kuwa maanta somalida loo tababaray xaqiiqduse waxaa weeye inaysan kor dhuganayn intay fursad haystaan. Xog waraysi lala yeeshay saraakiishii dawladdii Camiiladda ahayd ee Afghanistan qodabada iga soo gaaray waxaa ka mid ah:
1- Inaan aamminnay inaan weligeenba Shisheeyuhu naga tagayn waxay na geliyeen iyo waxa ay naga rabaan darteed.

2-inaynaan indheheenna waaqaca ku qiimayn ee aan u fahamno sida ay iyagu noo sheegaan in ay xaaladda dalku tahay.

3-Waxaan na qarqiyey musuqmaasuq iyo maal aruursi marka hore ay nala wadaagaan kadibna ay u isticmaalaan boog ay naga danqiyaan haddaan damacno inaan la xisaabtanno.

4-waxaan xor u noqon weynay inaan wadaxaajood la galno Taliban ilaa aan ogaannay inay madaxayaga iyo xukunkannaga kula gorgortamayaan reer Galbeedku.
Xasan laba mid.

1- inuu ku mashquulsanado. Xoola arursi iyo Xigto isku xeerin inta godka loogu soo gelayo, Iyo inuu wadahadal dhab ah ku dhiirado oo colaadda dhammeeyo taasoo ka dhigaysa Madaxweyne aan magaciisu ka bixin maskaxda ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Fayooke Cali-Dharaar
Wa billaahi towfiiq
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular