HomeAll newsMeydka Haweeney Muddo La Weysnaa oo Laga Helay Baydhabo.

Meydka Haweeney Muddo La Weysnaa oo Laga Helay Baydhabo.

Xaafadda Buulo jameeco ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga heley meydka qof haweeney ah oo muddo la weysnaa taasoo in la dilay lagu riday boosaneer ama godka Musqusha.
Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Aamino Maxamuud, waxaana meydkeeda la helay kadib baaritaan dheer oo la sameeyay.

Maamulka Koofurgalbeed ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan sababta keentay in dhibka intan la eg loo geysto haweeneyda.
Dadka qaar ayaa sheegaya in falkan uu geystay nin ganacsade ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Maxamed Goomeey, inkastoo aan wali la caddeyn sababta ku dhalisay.
Dalka Soomaaliya waxaa waayihii dambe kusoo badanayay dhaqamo aad u fool xun gaar ahaan kufsiga iyo dilalka, waxaana ay aqoonyahanadu sheegayaan in dhacdooyinkan aaney ahayn kuwa iska yimid balse yihiin kuwa abaabulan oo ujeedo fog laga leeyahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular