Wararka Ka imaanaya dalka Bangladesh ayaa ku waramaya in dab xooggan oo sababay khasaare nafeed oo baaxadleh uu saakay ka kacay goob ku taalla koonfur bari dalkaas, sida ay ku warantay warbaahinta maxalliga ah.
Ugu Yaraan 19 ruux ayaa ku dhintay in kabadan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dabkaan oo si gaar ah kaga kacay goob lagu kaydiyo konteenarrada oo ku taalla magaalo xeebeed qiyaastii 134 miles koonfur bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Dhaka.
Shabakadda ABC News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in dabkaan uu ka dhashay qarax ka dhacay mid kamid ah Kunteenarada yaallay xarunta oo ay ku keyd saneyd maado kiimiko ah.
Booliska dalka Bangladesh ayaa sheegay in dad kor u dhaafaya 170 ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaaan, iyadoo qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu aad u liidato, taasoo laga yaabo inay sii kordhiso tirada dhimashada.
Sida uu sheegay sarkaal katirsan waaxda gurmadka dadka dhaawacmay waxaa kamid ah 40 qof oo katirsan saraakiisha dab damiska iyo 10 kamid ah ciidanka booliiska ee dowladda Bangladesh.
Warbaahinnada maxalliga ee dalka Bangladesh ayaa laga soo xigtay in tirada dadka ku dhaawacmay dabka ay gaarayaan ilaa 300 oo ruux waxana kooxaha gurmadka degdeg ah ay wali ku dadaalayaan sidii ay dabka u damin lahaayeen.
Sidoo kale dabkaan ayaa waxa uu sababay khasaare hantiyadeed oo baaxad leh, waxaana muuqaallo goobta laga soo qaaday ay muujinayaan burbur xoog leh oo soo gaaray dhismaha uu dabka qabsaday iyo holac iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.
Wadanka Bangladesh oo ku yaalla koonfurta qaaradda Aasiya islamarkaana ay ku nool yihiin dad kabadan 160-milyan oo ruux ayaa waxaa ku badan dhacdooyinka nuucaan oo kale ah, kuwaas oo galaafta noloshada dad badan oo u dhashay dalkaasi.