HomeAll newsKhasaaraha Qaraxii Ka Dhacay Deyniile Oo Kordhay & Sarkaal Udhintay Dhaawac Kasoo...

Khasaaraha Qaraxii Ka Dhacay Deyniile Oo Kordhay & Sarkaal Udhintay Dhaawac Kasoo Gaaray Qaraxaas.

Waxaa sare usii kacaya khasaaraha ka dhashay qarax shalay gudaha magaalada Muqdisho lagula beegsaday gaari ay la socdeen askar iyo saraakiil katirsan ciidanka DF-ka.

Qaraxii ka dhacay Aargada degmada Dayniile ee gobolka Banaadir waxaa ku dhintay illaa 2 ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil, DF-ka ayaa xaqiijisay in uu dhaawac soo gaaray udhintay gaashaanlle Salaad Isxaaq Yuusuf oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada.

Taliska ciidamada dowladda ayaa baraha bulshada ugu tacziyeeyay sarkaalka dhintay oo uu ku sheegay nin howlkar ah, tirada guud ee dhimashada ka dhalatay qaraxii Dayniile waa 2 halka ay dhaawacyadu ay gaarayaan 5 askari.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha badan dhaliyay sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular