HomeAll newsIn Ka Badan 100 Ruux Oo Dumar U Badan Oo Lagu Dilay...

In Ka Badan 100 Ruux Oo Dumar U Badan Oo Lagu Dilay Kaamka Al-Howl Ee Dalka Suuriya, Tan Iyo Horraantii Sannadkaan.

Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in 18 bilood gudahood dad ka badan boqol ruux oo u badan haween lagu dilay Kaamlka Al-Howl oo ku yaalla woqooyi bari ee dalka Suuriya.

Isku xiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Suuriya ayaa sheegaya in kaamkaan oo ay gacanta ku hayaal kooxaha Kurdiyiinta ay ka taagan tahay dhibaato daran iyo ammaan darri baahsan, isagoona tilmaamay in 94% dadka ku jira kaamkaan ay u badan yihiin haween iyo caruur.

Waxa uu intaas ku daray in tan iyi bishii January ee sannadkaan kaamka laga helay meydadka 106 ruux, kuwaas oo dumar u badan, waxa uuna tibaaxay in kaamkaan ay ku xareysan yihiin 27-kun oo ruux oo kasoo jeeda dalka Ciraaq, 19-kun oo u dhalatay Suuriya, iyo 12-kun oo kale oo kasoo jeeda wadamo kale oo kala duwan.

Warbixinno horey loo baahiyay ayaa marar badan lagu sheegay in dhinaato daran ay ka jirto kaamka Al-Howl ee ku yaalla dalka Suuriya, kaas oo ah xabsi ay gacanta ku hayaal kooxaha Kurdiyiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular