HomeAll newsDhageyso: Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Laashay Qaanuunkii Dumarka U Ogolaanayay Inay...

Dhageyso: Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Laashay Qaanuunkii Dumarka U Ogolaanayay Inay Ilmaha Iskasoo Ridaan.

“America ayaa dib ulaabatay” waxaa sidaas lagusoo qoray ciwaannada wargeysyada ugu caansan dalka Mareykanka saacado kadib markii ay maxkamadda sare ee wadankaas ay mamnuucday in dumarku ilmaha iskasoo ridi karaan.

Go’aan rasmi ah oo shalay kasoo baxay maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa lagu joojiyay mashruuc dumarka American-ka u ogolaanayay in ay ilmaha iskasoo ridi karaan iyagoo aan cidna ka amar qaadan.

Qaraarka maxkamadda oo ahaa mid lawada sugayay ayaa ka caraysiiyay malaayiin qof American ah oo la dhacsanaa in ubadka yar lagu dilo uurka hooyadood, maxkamaddan oo garsooyaasheeda ugu badan uu soo magacaabay Donald Trump madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa ilmaha oo layska soo rido ku sifaysay jariimo weyn oo halis gelin kara jiritaanka dadka American-ka ah.

Garsorayaasha Maxkamadda ayaa soo laabay albaabka ilmaha oo dumarka lagasoo xaaqo waxayna maxkamaddu soo jeedisay in dastuurka wadanka laga saaro qodobkan.

Sanaddii 1973-dii ayay dowladda Mareykanka sharci ka dhigtay ilmo iskasoo ridista taas oo ka dhigan in 50 sano gudahood dalka Mareykanka sanad walba lagu dilayay malaayiin carruur ah.

Durbadiiba dibad baxayo ballaaran ayaa camimay magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka kuwaas oo ay dhigayeen dad kasoo horjeedo qaraarka maxkamadda, siyaasiyiinta xisbiyada Jamhuuriga iyo dimuquraadiga ayaa iyana warbaahinta siyaabo kala duwan uga hadlay.

Saraakiisha xeer beegtida Mareykanka waxay sheegeen in qaraarka maxkamadda uu xeeriyay arrimo dhowr ah oo dhibaato ku ah bulshada inkastoo golaha koongareeska uusan wali ansixin go’aanka maxkamadda.

wuxuu ahaa go’aan gilgilay siyaasadda iyo arrimaha bulshada Mareykanka, waxa kaliya ee ay hadal hayaan shacabka American-ka waa go’aankii ay maxkamaddu ku laashay qaraarkii ilma soo ridista ee lagu dhaqmayay tan iyo sanadkii 1973-dii.

Haweenayda American-ka ah ayaa loo ogolaa in ay ubadka iskasoo riddo ugu badnaan 32 isbuuc kadib markii ay uurka qaaddo taasi oo ah  in ilmaha  iyagoo nool ladilayay, gobol walba oo katirsan Mareykanka ayaa awood u lahaa in uu dhaqan geliyo waxa ay ugu yeereen xaqqa dastuurka dhicisaynta ubadka ama uu iska diido balse go’aankan cusub ee makamadda kasoo baxay ayaa si isku mid ah umamnuucayo in dumarku ilmaha iskasoo ridaan dhammaan wilaayaatka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhaleeceeyay qaraarka maxkamadda wuxuuna ugu baaqay golaha koongareeska in uu soo saaro sharci ilaalinaya xaqqa ay udumarka american-ka u leeyihiin ubadka oo caloosha lagu dilo.

Madaxweynihii hore ee mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu joojin doono mashruucan sanaddii 2016 xilligii uu u ordayay madaxtinimada Mareykanka, Trump wuxuu magacaabay 3 garsoore oo uu uxilsaaray ka shaqeynta joojinta ilma iskasoo ridista balse afartii sano ee uu xilka hayay uma suurtagelin in uu laalo qaanuunkaas.

siyaasiyiinta xisbiga jamhuuriga ayaa ilmaha oo ay dumarku iskasoo ridaan u arkaya jariimo halis gelinaysa taranka dadka American-ka ah, sanaddii 1992 ayay maxkamada Mareykanka soo saartay qaraar dib u  adkaynaya in dumarku xaq uleeyihiin in ay ilmaha iskasoo ridaan isla sanadkaas ayaa illaa 26 gobol loo ogolaaday in ay mamnuucaan ama ay ogolaadaan.

Roonald Reegan ayaa sanaddii 1967-dii xilli uu ahaa xaakimka gobolka California wuxuu sharciyeeyay in dumarka kunool gobolkiisa  ay ilmaha iskasoo ridi karaan balse sanado kadib markii uu u ordayay xilka madaxweynaha ayuu ka laabtay si uu codad badan uga helo dadweynaha American-ka oo xilligaas aad udiidanaa in ubadka caloosha lagu dilo.

Ra’yi aruurin la sameeyay ayaa muujinaysa in 60% dadka american-ka ay taageersanyihiin mashruuca dhicisaynta ubadka ayna doonayaan in uu sii shaqeeyo qaraarkii soo baxay sanaddii 1973-dii.

Mar walba oo dalkan ay doorashooyinka  ka dhacayaan ayay siyaasiyiintu si aad ah uga doodaan sida laga yeelayo arrinta ilmo iskasoo ridista dumarka, badanaa siyaasiyiinta xisbiga dimuquraadiga ayaa taageera sii jiritaanka qaraarka halka jamhuuriyiintu ay si aad ah udiidanyihiin kuna tilmaamayaan musiibo halis ah oo in wax laga qabto ubaahan.

Dadka cunsuriyiinta ah ee ay isku fikirka yihiin Trump uuna ku fogaaday jaceylka diirka cadaanka ah ayaa aamisan in tallaabadan ay aad uyaraynayso taranka dadka caddaanka ah oo ay aaminsanyihiin in ay asal ahaan leeyihiin dalka Mareykanka.

Malaayiin qof oo american ah ayaa taagan waddooyinka magaalooyinka waaweyn waxayna dhigayaan iskusoo baxyo ka dhan ah qaraarka maxkamadda kasoo baxay ee lagu laalayay ilmo iskasoo ridista.

wariyaal ayaa soo sheegay in jamciyaad iyo Ururo maxalli ah ay ku baaqeen in in arrintan wax laga qabto.

hay’adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul isnaanka ayaa soo saaray bayaanaat ay ku dhaleecaynayaan go’aanka maxkamadda, hay’adda amnesty International ayaa ku sifaysay go’aanka kasoo baxay maxkamadda sare mid halis ku ah wax ay ugu yeertay xaqqa ay dumarku u leeyihiin ilma iskasoo ridista.

arrinta in laxusa mudan ayaa ah in waxa ay sheegtaan hay’adahan oo ah ilaalinta xuquuqul isnaanka uu liddi ku yahay waxa ay taageerayaan oo ah in bani’aadam ladilo waliba qaab fool xun loo dilo.

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen Ururada arrimaha bulshada ka faallooda ee dalka Mareykanka ayay ku sheegeen in ugu yaraan 2 malyan oo carruur ah sanad walba ay iskasoo ridaan dumarka American-ka arrinkaas oo aafo weyn ku ah jiritaanka dadka Mareykanka.

Ururadan ayaa ka digay in dhalinyaranimadu ay sii dabar go’in doonto, dadka American-kankana ay ubadan doonaan kuwa da’ ah islamarkaana ay saameyn xun ku reebi doonto jiritaanka umadeed ee dalkan.

Marka si qota dheer loo eego hab dhaqanka wadamada reergalbeedka ee sheegta in ay gaareen xadaaradda iyo horumarka waxay ku suganyihiin wax ka daran casrul jaahiligii kufaartii qureysh kolkaas oo gabdhaha la nolol duugi jiray balse kuwan ay kasii arxan daranyihiin oo ubadka ay ku dilayaan caloosha, halka waqtigii jaahiliyada gabdhaha ladili jiray marka ay uurka hooyadood kasoo baxaan loona ogolaan jiray in dhowr sano ay noolaadaan.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixinta Qaraarka maxmadda sare ee laalidda ilmo iskasoo ridista

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular