Maamulka Cabdifataax Al-Siisi ee dalka Masar ayaa xukun dil ah ku riday 10 ruux, kuwaas oo lagu soo eedeeyay inay kamid ahaayeen ururro ay ugu yeereen kuwa Argagixiso ah, xilli dhibaatooyin adag laga soo warinayo xasbiyada uu gacanta ku hayo maamulkaan.
Maxkamad taabacsan nidaamka Cabdifataax Al-siisi ayaa soo saartay xukun dil ah, oo lagu riday 10 ruux, kuwaas oo uu maamulku sheegay inay ka tirsanaayeen Jamaacada Ikwaanul Muslimiin, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inay ku kaceen falal ka dhan ah ciidadada Boliska Masar, intii u dhexeesay sandihii 2013-ka illaa 2015-ka.
Ragga lagu riday xukunka dilka ah ayaa kala ah: Yaxya Muusa, Majdi Maxamed, Maxamuud Cadhiyah, Cabdi Wahaab Mustafa, Maxamuud Abuu Xasyah, Maxamed Ibraahim, Muscab Cabdi Xamiid, Cabdullaahi Naadir, Cabdiraxmaan Ciisaa, Cabdil Khaaliq, iyo Maxamuud Sayid Kariim, kuwaas oo dhamaantood ku eedeysan inay ka dabeeyeen xasuuqa ciidamo katirsan bolsika dalka Masar.
Xukunkaan kasoo yeeray maxkamadda dalka Masar ayaa ku daba feylaya kuwa nuucaan oo kale ah oo uu nidaamkaan kula kacay dad rayyid ah, waxaana sanadihii lasoo dhaafay uu maamulka AsSiisi fuliyay xukunno dal dalaal ah, kuwaas dadka lagu riday ay kamid ahaayeen kuwa aan lixaadkooda dhameystirneen iyo kuwa da’ ah.
Sannadkii 2021-ka waxay dowladda Masar xuxkun dal dalaad ah ku fulisay ugu yaraan 17 maxbuus, kuwaas oo uu ku jiray Macallin dugsi qur’aan oo da’a ah kaas oo jiray 80 sano, waxaana sidoo kale ragaas la toogtay ku jiray nin indhool ah.
Xukuumadda Masar ayaa xilligaas 17-ka ruux ee ay toogatay ku eedeysay, inay ka dambeeyeen weerar lagu dilay 13 Askari oo ku sugnaa Saldhig Bolis oo ku yalla Degmadda Kerdasa ee duleedka magaaladda Giza ee dalka Masar.
Macallinka Dugsi Qur’aanka ee lagu fuliyey xukunka dilka waxaa lagu mgacaabi jirey Sheekh C/Xamiid Jibriil kaasi oo aan wax lug ah ku lahayn weerarkaasi, Waxayna ciiddanka ka soo qabteen isagoo ku dhex jira Masjidka, wax yar kadib markii uu dhacay weerarkaasi oo loogu magac daray Weerarkii Kerdasa (معركة كرداسة).
Xiligaas waxa uu Sheekh C/Xamiid iska fogeeyay eedda ah inuu ku lug lahaa weerarka, mana uusan ahayn qof ku dhex jiray Siyaasadda ama Mucaarad ku ahaa Dowladda Masar, tan ayaana muujineysa sida nidaamka Cabdifataax Al-Siisi uu uxasuuqo dadka rayyidka ah ee an waxba galabsan.
Hay’adaha u dooda waxa loogu yeero Xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedayay Maamulka Afgembiga ee uu hogaamiyo kaligii taliyaha lagu magacaabo Siisi in maxkamad la’aan ah uu dadka iska toogto, iyo dhanka kale garsoorkooda oo ah mid aan cadaalad ahayn, taaasina waa mida keentay in kumanaan ruux ay xabsiyada ku jiraan, kuwaas oo boqllaal kamid ah lagu fuliyay xukunno dal dalaad ah.
Xabsiyada uu gacanta ku hayo maamulkaan ayaa waxaa ku xiran kumannaan ruux oo u badan dad shacab ah, kuwaas oo aan wax shaqo ah ku leyehyn siyaasadda dalka, waxayna dadkaas wajahaan tacdiibin joogta ah oo ay kala kulmaan ciidamada xukuumadda Masar.
Calaa Cabdifataax oo ah maxbuus ku xiran xabsiyada nidaamka Al-Siisi ayaa kamid ah dadkaas, waxaana hooyada dhashay ninkaan ay sheegeysaa in wiilkeeda ay lasoo daristay xaalad caafimaad darri ah, kadib muddo 90 maalmood ah oo uu cuntada kasoomay, taas oo ay usii dheer tahay duufaraha kala duwan ee ku wajahayo gudaha xabsiga uu ku xiran yahay.
Leyla Suweyf oo ah hooyada dhashay Calaa ayaa sheegtay in wiilkeeda oo 40 sano jir ah, macagiisana uu soo shaac baxay sannadkii 2011-ka, xilligaas oo ay kacdoonno ka socdeen dalka Masar, ay hadda heysato xaalad adag, isagoona aan awoodin inuu sameeyo wax taxarrukaad ah oo la xiriira maareynta noloshiisa.
“Dhab ahaantii waxa uu wajahayaa xaalad adag, waxaana dareemayaa qal qal aad u xooggan, maadaama aan ogahay in xaaladaha nuucaan ah haddii ay sii raagaan ay keeni karaan in si deg deg u baabi’yaan nolosha bani’aadamka” ayay tiri Leyla oo wareysi siisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Xafiiska warfaafinta ee dowladda Masar kama jawaabin codsi ku aadanaa iney wax ka yiraahdaan xaaladda caaafimaad ee Calaa, 9-kii June, waxay sheegatay wasaaradda arimaha gudaha iney heyso muuqaallo cadeynaya in Cabdil Fattaax aanu cuntada ka soomin, hase ahaatee may faafin muuqaaladaas.
Qoyska ninkaan Masaarida ayaa sheegay in maamulka halkaas ka jira ay uu wiilkooda ula dhaqmay si naxariis darro ah, balse horaantii bishaan waxaa loo oggolaaday in laga soo saaro qolkii uu ku jiray, oo ay kula xirnaayeen saddex ruux oo kale, iyadoonaa loo soo saaray barxadaha xabsiga si uu nafis u dareemo.
Hooyada dhashay Calaa waxay tilmaameysaa in markii ugu dambeysay ee ay wiilkeeda ku booqato gudaha xabsiga ay eheed 12-kii bishaan June, “Mar waliba oo aan booqdo waxaan ka fikiraa inay igu yaraahdaan markaan maya, wiilkaaga xaaladdiisu ma wanaagsana, waxaana loo qaaday isbitaal” ayay sii raacisay hadalkeeda.
Kiiska ninkaan Masriga ah ee u xiran Maamulka Masar ayaa si weyn looga hadal hayaa dalka Ingariiska, kadib markii sannadkii tagay uu Calaa qaatay dhashada UK, taasoo qayb ka ahay dadaallada qoyskan ay ku doonayaamn in xabsiga looga sii daayo wiilkooda.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegay in UK ay juhdi ballaaran ku bixinayso ogolaansho ah, in xubni katirsan qunsuliyada ay ku leeyihiin dalkaas ay booqdaan Calaa Cabdifataax, waxaana uu sheegay in ay sii wadayaan dadaal kasta oo ay ku bixinayaan sidii xal looga gaari lahaa kiiskaan, xukuumadda Qaahirana ay kala hallayaan arrintaas.
Bishii Disembar ee lasoo dhaafay, Maxkamad ku taalla dalka Masara ayaa Calaa ku xukuntay shan sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu warar been abuur ah ku faafiyey baraha intenetka, 2-dii bishii April ee asannadkaan ayuuna Maxbuuskaan sheegay inuu tacaddiyo kala duwan uu kala kulmayo maamulka xabsiga.
Bishii Mey ee tagtay waxaa ninkaan loo wareejiyay xabsi Infiraadi ah oo si aad ah loo ilaaliyo, kaas oo goor dhaw laga dhisay galbeedka magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, Xaruntaan ayayna masuuliyiinta Masar ku tilmaameen inay tahay mid lagu ballaarinayo xabsiyada uu leeyahay Maamulka la jira waddankaas.
Ka hor inta uusan dillaacin cudurka safmarka ah ee Coronavirus, Maamulka Cabdifataax Al-Siisi ayaa maxaabiista u xiran u ogalaaday in bishiiba laba mar lasoo booqdo, taas oo qaadanaysa muddo saacad ah, Balse uu soo yareeyay waqtigaas isagoona ka dhigay in bishiiba halmar lasoo booqdo, iyadoona ay booqasho qaadaneyso muddo 20 daqiiqo ah.
Sanahidii lasoo dhaafay Mamaulkaan ayaa qaaday xamlooyin ballaaran oo lagu beegsanyo mucaaradka xukuumadda Qaahira, waxaana xusid mudan in xamlaadkaan aysan beegsan oo kaliya mucaaradka, balse ay ciidaamdu xabsiga dhigeen dad badan oo rayyid ah, kuwaas oo aan ku lug leheyn siyaasadda dalka.
Inkastoo Calaa Cabdil Fattaax uu diyaar u yahay inuu ka tanaazulo dhalashada Masar, Masarna uu ka tago, taas bedelkeedana xabsiga laga sii daayo, si lamdi ah sidaba ay sameeyeen dad isaga lamid ah oo labo dhalasho heystey, waxayna hooyadiisu sheegtay in isaga aanu fileynin in sidaas oo kale arinkiisa lagu dhameeyo.
Waxay intaa ku dartay hooyadan ” wuxuu nagu yiri booqashadii ugu dambeysay ee aan ugu tagney, ma awoodaan inaad halkan iga saartaan, waxaan ku dhiman doonaa xabsiga, keliya waxaad ku dadaashaan iney gurtaan natiijada geerideyda”.
Si kastaba ha ahaatee Maamulka Afgembiga ee uu hogaamiyo kaligii taliye Cabdifataax Al-Siisi ayaa tan iyo inta uu xoogga ku heysto talada wadanka geystay gumaad iyo xasuuq wuxuushnimo ah oo ka dhan shacabka Masaarida, waxaana xasiyada dalkaas ay la ciir ciirayaan kumannaan maxaabiis ah oo si xaq xarro ah ugu xiran xumuumadda Masar.