Warbaahinta Mareykanka ayaaa sheegTay in ciidamada dalkaas ay xabsiga u taxaabeen nin u dhashay dalka Sucuudiga, kaas oo lagu soo eedeeyay inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga muwaadiniin American ah,
Warbaahinta ayaa sheegtay in ninkaan Sucuudiyaanka ah lagu eedeeyay inuu handadaad iyo caga jugleyn u geystay xubno kamid ah mucaaraadka dalkaas.
Wargeyska Daily Best ayaa sheegay in Dekomintiyada maxkamad American ah ay muujinayaaan in Ibraahim Al-Xuseyn oo ah arday 24 jir Suucidyaan ah ay xireen ciidamada Mareykanka, kadib markii uu akoonno wahmi ah ka handaday mucaaradka Mareykanka.
Dukumentiyadan ayaa daaha ka rogay in Al-Xuseyn oo adeegsanaya barahaas uu ugu hanjabay inuu dili doono haweeney u dhalatay Sacuudiga oo dhaleeceysay siyaasadda dowladda Mareykanka, isagoona u sheegay inay wajihi doonto masiirka Nadaa Al-Qaxdaani oo aheyd gabar uu walaalkeed toogtay sanado ka hor.
Sidoo kale waxaa jira dad kale oo mucaarad ah kuwaas oo u hanjabay ninkaan u dhashay dalka Sucuudiga ee ay xireen ciidamada Mareykanka.
Sanadihii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa soo bandhigayay kiisas dhowr ah oo la isku dayay in lagu basaaso laguna bartilmaameedsado xubno mucaarad ku ah xukuumadda Washington.