Sida ay tilmaamayaan wararka ka imaanaya dalka Nigeria kooxo hubeysan ayaa weerar culus la beegsaday dad Kirshtaan ah oo ku subnaa Kaniisad ku taalla gobol dhaca koonfur-galbeed dalkaas, halkaas oo ay ku dileen dad badan tiro kalana ay ku dhaawaceen.
Warbaahinta Nigeria ayaa sheegtay in dabley hubeysan oo aan heebtooda la garan ay si aan kala sooc lahayn rasaas ugu fureen dad ku jiray gudaha Kaniisadda oo ku taalla magaalada Awu xili halkaas uu ka jiray isku imaatin.
Dhaqtar ka tirsan isbitaal ku yaala magaalada ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in ugu yaraan 50 meyd ah la geeyay labo isbitaal oo ku yaala magaalada isagoo intaa ku daray in taro dad ah oo qaba dhaawacyo kala duwan la keenay goobaha caafimaadka.
Mid kamid ah siyaasiinta dalkaas oo kasoo jeeda deegaanka ay dhacdadaan ka dhacay ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in ugu yaraan 100 ruux lagu dilay weerarkaaan.
Sanadadii lasoo dhaafay dalka Nigeria waxaa ka dhacayay weeraro ka dhan ah danaha dowladda dalkaas waxaana dhanka waqooyi bari ee dalkaas muddo 12 sano ah ka socda howlaglo jihaadi ah, halka waqooyi galbeed iyo bartamaha dalkaasina ay ka dhaceen falal dhac iyo afduub ah oo ay geysanayaan dabley hubeysan, iyadoo deegaanada koonfur bari ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo gooni u goosad ah oo ay wadaan kooxo diidan xukunka xukuumadda Abuuja.