Xassan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay loo doortay madaxweynaha DF, kadib markii uu ka cod badiyay Farmaajo oo ay wareegii ugu dambeeyay isla yimaadeen.
Xassan Sheekh oo horay usoo noqday madaxweyne muddo 4 sannadood ah ayaa waxaa la is weydiinayaa waxa uu soo kordhin karo, waxaana halkan idiinkugu soo gudbineynaa warbixin ka hadleysa qofka uu yahay Xassan Sheekh taasoo laga akhrisan karo waxa uu qaban doono afarta sano ee soo socota.