HomeAll newsWeerar Askar Lagu dilay Oo ka dhacay isbaarro ku taalla Balcad.

Weerar Askar Lagu dilay Oo ka dhacay isbaarro ku taalla Balcad.

Askari katirsan Al-Shabaab oo ku sugan xarunta maamulka Balcad.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday weerar culus oo ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Mujaahidiintu waxay si gaar ah u beegsadeen bar isbaarro ah oo ay ciidamada Dowladda federaalka lacago baad ah kaga qaadi jireen gawaarida dadweynaha.

Ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamadii isbaarada joogay ayaa lanoo xaqiijiyay iney ku dhinteen weerarka. Waxay sidoo kale Mujaahidiintu soo furteen 6 qori iyo booshashkooda.

Balcad waxay dhowr jeer oo hore marti gelisay weeraro cagmarin ah oo ay qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha Burundi iyo kuwa Dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular