Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la wareegay degaan ay maanta isaga bexeen ciidamada shisheeye ee Atmis oo ku taalla wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe.
Si aan xog badan u helno waxaan la xariirnay waaliga wilaayada, Sh/Cabbaas Abuu Muxamad kaasoo wareysi gaar ah oo uu siiyay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka warbixiyay xaaladda degaanka oo la yiraahdo HAAN-SHEEKH islamarkaana hoos taga degmada Balcad iyo waxa ka jira degaanka Ceelbaraf oo 10 maalmood ka hor laga saaray ciidankii Burundi.
Waaliga ayaa wareysiga kusoo bandhigay macluumaadyo badan oo ku saabsan xaaladda labada degaan iyo argagaxa lasoo darsay ciidanka Atmis ee qeybta ka heysta gobolka tan iyo markii in ka badan 173 askari looga dilay Ceelbaraf.
Qeybaha hore ee wareysigada wuxuu kaga hadlayaa xaaladda degaanka HAAN-SHEEKH oo ah halka ay maanta ka hulleeleen ciidanka Burundi una dhaxaysa Balcad iyo degaanka Gololeey, halka qeybaha dambe oo ka warrami doono Ceelbaraf.