Tobanaan ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn culus oo lagu garaacay Iskuul ku yaalla gobolka Lugansk ee dhaca bariga wadanka Ukraine halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen ku dhawaad 100 ruux oo rayid ah.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku dhawaaqay in 60 ruux lagu dilay gantaal ay ciidamada Ruushka la beegsadeen Iskuul ay ku jireen ilaa 90 arday kaasoo dhulka la simay gabi ahaanba dhismaha iskuulka.
“Shalay, ciidamada Ruushka waxay bambaano culus ku garaaceen Iskuul ku yaalla tuulada Bilohorifka ee gobolka Luhansk waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan 60 ruux oo rayid ah” ayuu yiri Zelensky oo aaladda foogaan aragga kaga qayb galayay shir madaxeedka G7.
Guddoomiyaha gobolka lagu muransan yahay ee Luhansk ayaa sheegay in 30 qof laga soo badbaadiyey goobta ay ka dhacday duqeynta.
Duqeymahaan ayaa yimid xilli Ruushku si aan kala go’ lahayn uu weerar ugu hayey bariga Ukraine si uu u muujiyo guul dhinaca dhulka ah oo uu ka gaaro duullanka uu dalkaas ku qaaday 3 bil ka hor.