Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka dhacay qarax aad u weyn oo lagu beegsaday gaari cabdi bile ah oo kamid ahaa kuwii galbinayay taliyaha ciidamada booliiska gobolka Banaadir ee dowladda Federaalka ninka lagu magacaabo Farxaan Qaroole.
Qaraxa oo ahaa mid aad u weyn, jugtiisa deegaanka laga wada maqley ayaa sababay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaarey ciidamadii ilaalada u ahaa Taliye Farxaan Qaroole.
Qaraxa ayaa sababay burburka gaariga iyo dhimashada askartii saarnayd, sida aan xogta ku heleyno, illaa iyo haddana ma jiro wax hadal ah oo uu arrintan ka yiri Qaroole.
Ma ahan markii ugu horreysay oo lagu beegsado wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo weeraro toos ah hadda ka hor lagula beegsaday magaalada Muqdisho.