Waxaa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho lagu beegsaday Siyaasi caan ah, soona noqday xillibaan katirsan baarlamaanka Dowladda federaalka, xilal kalena soo qabtay kaasoo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Xasan.
Qarax ayaa culus ayaa lagu beegsaday masuulkan iyo ilaaladiisa, xilli ay ku sugnaayeen qeybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Dhaawac ayaa soo gaaray ninkaan iyo labo askari oo ilaaladiisa ah, waxaana la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Wuxuu ahaa Cabdullaahi Sheekh Xasan siyaasiyiinta aadka u taageersanaa madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.