HomeAll newsSawirro: Xaflad Shahaado Lagu Gudoonsiiyay Arday Qalin Jabisay oo Ka Dhacday Sh/hoose.

Sawirro: Xaflad Shahaado Lagu Gudoonsiiyay Arday Qalin Jabisay oo Ka Dhacday Sh/hoose.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu dhiira galinayay arday dhameysatay Qur’aanka kariimka iyo kuwa farta carabiga bartay ayaa ka dhacday degaanka Kuunyobarrow ee wilaayada Sh/hoose.

Ardayda la maamuusay oo ay tiradoodu gaareyso 56 ayaa wax ka bartay madrasada Miiraathul-ambiyaa, waxay isugu jiraan wiilal iyo gabdho, 6 kamid ah waa gabdho kuwaasoo dhammeystay barasahda iyo xifdinta Qur’aanka, iyadoo 50-ka kale oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay dhammeysteen far barasahda.

Xafladda oo ka dhacday xarunta madrasada Miiraathul-ambiyaa ayaa waxaa kasoo qeyb galay dad badan oo ay culimo iyo waalidiin kamid yihiin, waxaana ugu dambeyntii ardayda la gudoonsiiyay shahaadooyin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular