Waxaa goordhow qarax culus oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Arbacow iyo Ceelasha biyaha lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.
Qaraxa ayaa haleeley mid kamid ah gawaarida ciidamada Shisheeyaha, waxaana ku dhintay qaraxa ugu yaraan 1 askari oo katirsan ciidamada Shisheeyaha Uganda.
Dhanka kale, qarax maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagula beegsaday gudoomiyihii hore ee degmada Afgooye, ahna sarkaal katirsan ciidamada Sirdoonka Dowladda federaalka kaasoo lagu magacaabo Xuseen Jibriil.
Sarkaalka iyo istaafkiisa ayaa ku dhaawacmey qaraxa, dhaawaciisana waxaa la xaqiijiyay inuu yahay mid garaab ah.