HomeAll newsMahad Salaad Oo noqday Taliyaha Cusub ee NISA.

Mahad Salaad Oo noqday Taliyaha Cusub ee NISA.

Golaha wasiirada ee Dowladda federaalka ayaa kulan ay maanta yeesheen waxay Mahad Salaad oo kamid ahaa raggii ugu cad cadaa ee mucaaradka ku ahaa Farmaajo waxay u magacaabeen taliyaha cusub ee hay’adda Sirdoonka dowladda federaalka ee NISA.

Hay’adan howsheedu tahay basaasida dadka Ahlu diinka ah ayaa waxaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay masuul ka ahaa ninka lagu magacaabo Fahad Yaasin, walow bilihii lasoo dhaafay uu si kumeel gaar ah uu masuul uga ahaa ninka lagu magacaabo Yaasin Farrey.

Dadkii mucaaradka ku ahaa madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Farmaajo ayaa aad usoo dhaweeyey tallaabada Mahad Salaad loogu magacaabay taliyaha cusub ee hay’adda NISA.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular