Maamulka Yuhuudda ayaa muddo sanada ah wada duqeymo culus oo ka dhan ah ciidamada Nuseyriyada Bashaar Al-Asad, kuwaas oo khasaarooyin kala duwan lagu gaarsiiyo askartaas.
Maamulka Yuhuudda ayaa walaac xooggan ka muujiyay in Mustaqbalka ay Filastiiniyiintu la wareegaan dhulka ay xoogga kaga heytaan iyo caasimadaha ay sameysteen.
Wasiirka difaaca ee Yahuuda ayaa sheegay in Kayaankooda ay soo waajahayso cabsi ah in mustaqbalka ay la wareegaan Falastiiniyiintu.
Wasiirka oo ka hadlayey kulan albaabada u xiranyihiin oo uu lalaahaa isbahaysiga ‘Blue and Whit” ayuu ku sheegay in ay qabaan walaac aad uxoogan kana baqayaan in sanadada soo socota uu burburo maamulkooda.
Hadalkan ayaa yimi toddobaadyo yar kaddib, markii uu raysalwasaarihii hore ee Yuhuudda Ehuud Baraak uu qoray maqaal walaac ku abuuray Yuhuudda oo uu ku sheegay in Maamulka Yuhuuddu uu wajahayo waxa uu ugu yeeray, “Lacnadda siddeetan guurada’.
Waxa uu sheegay in boqortooyooyinkii iyo dawladihii hore ee Yuhuuddu ay dhammaantood burbureen iyagoo aan jirsan 80 sano.
Ehuud Baraak waxa uu sheegay in Yuhuudda oo hadda 74 sanno jirsatay in ay ka muuqato awooddeedii oo hoos u soo dhacayso, iyo weerarda iyaga ka dhan ah oo sare usii kacay, taas oo sii murjineyso xaaladda cabsi ee ay qabaan Yuhuudda.