HomeAll newsHowlgallo Askar Lagu dilay Oo ka dhacay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.

Howlgallo Askar Lagu dilay Oo ka dhacay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.

 

Goordhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Howlgalkan gaarka ah oo ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa waxaa lagu dilay askari lagu magacaabo Faarax Ceyrow.

Dhanka Shabeellaha Hoose, qarax ka dhacay gudaha magaalada Baraawe ayaa waxaa ku dhintay askari kamid ah ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha ku sugan degmada Baraawe.

Qaraxa oo ka dhacay gudaha Baraawe, wuxuu haleeley askarta xilli ay lugeynayeen.

Ugu dambeyntii, faafaahin ayaa laga helayaa duqeyn xoogan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen saldhiga ciidamada maamulka Puntland ee deegaanka Galgala.

Ugu yaraan 7 askari ayaa ku dhawacantay duqeynta, kuwaasoo labo kamid ah xaaladoodu liidato.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular