HomeAll newsHogaanka Al-Shabaab oo Ummadda Soomaaliyeed U Diray Hambalyada Ciida Kana Hadlay Xaaladda...

Hogaanka Al-Shabaab oo Ummadda Soomaaliyeed U Diray Hambalyada Ciida Kana Hadlay Xaaladda Dalka. (Dhageyso).

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) ayaa jeediyay kalimad ku aadan munaasabadda Ciidul-fidriga, taasoo uu sidoo kale ku abbaaray arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda guud ee uu wadanku marayo.

Kalimaddan oo la dhageysan karayo muddo 25 daqiiqo ah ayaa wuxuu ugu horreyn hambalyo iyo salaan ugu diray guud ahaan ummadda Muslimiinta ah ee caalamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay kheyr iyo baraare.

Wuxuu soo hadal qaaday weerarkii cuslaa ee ay 23-Mar-2022 ku qaadeen xerada Xalane iyo weerarkii Baladweyne kuwaasoo ay ka dhasheen khasaarooyin badan, wuxuuna diray farriin far waaweyn ku qoran oo ku socota shisheeyaha kala duwan ee Soomaaliya kusoo duulay. “Gaalada waxaan u sheegeynaa inaan sii wadi doonno weerarada iyo iqtixaamaatka” sidaasi waxaa ku tiraabay Sh/Cali Dheere oo sidoo kale bidhaamiyay in ajaanibta soo duushay ay xad gudub iyo dhibaato badan u geysteen ummadda Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay saameynta Abaarihii dalka ka jiray bilihii lasoo dhaagay iyo sida ay ka maamul ahaan dhankooda ula tacaamuleen Abaarahaas xilli ay horey ugu dhawaaqeen guddi qaabilsan gurmadka abaaraha oo shaqeynayay afartii bilood ee lasoo dhaafay.

“waxay guddigu si joogto ah wilaayaatka uga wadeen gargaarka iyo garab istaagga dan yarta ay abaaruhu wax yeelleeyeen, waxay gobolada oo dhan ka qeybinayeen raashin iyo iidaankiisa, waxay sameeyeen biyo dhaamin joogto ah, waxaa la daweeyay dadka iyo xoolaha, meelo badanna waxaa laga sameeyay mashruuc biyaha wabiga matoor looga soo qaadayo oo xoolaha loogu shubayo dararka” ayuu yiri Sh/Cali Dheere, intaa kadibna wuxuu jeediyay baaq ku aadan tacbashada beeraha maadaama uu roobkii Gugu dalka ka curtay.

Kalimaddan ayaa waxaa ka muuqanaya nusuus sharci ah oo ku tacalluqday xaaladaha uu Afhayeenku ka hadlayo iyo suugaan murti badan xambaarsan. Sheekh Cali Dheere ayaa si isdultaag ah uga hadlay marxaladda kala guurka ah ee ay mareyso DF iyo waxa ka dhex jira ee isqabqabsiga iyo khilaafka ah, wuxuu soo bandhigay arrimo badan oo kamid ah fadeexada ay dul hoganeyso DF, ugu dambeyntiina wuxuu baaq culus u diray Soomaali meel walboo ay joogto.

Intaas iyo in ka badan, kana faahfaahfaahsan waxay ku jiraan kalimadda oo aad kala degi karto ama ka dhageysan karto qeybta ka hooseysa qoraalkan.

Halkan Ka Degso alimad Sh.Cali Dheere Ciidulfidri

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular