Magaciisa oo buuxa waa Xassan Maxamuud Culusow (ina garguurte), wuxuu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sannadkii 1955. Wuxuu ka qeyb galay dagaalkii afar biloodka ahaa ee Caydiid iyo Cali Mahdi ku dhex maray Muqdisho isagoo la taliye sare u ahaa Cali Mahdi.
Wuxuu horraantii sagaashameeyadii kamid noqday shaqaalaha hey’adda Unisef, wuxuu maamule kasoo noqday iskuul Muqdisho iyo jaamacadda Simad. Sidoo kale wuxuu muddo kamid ahaa hogaanka hey’adda xogaha iyo siraha Mareykanka uga uruurusa Soomaaliya ee CRD.
Sannadkii waxaa loo doortay madaxweynaha DF, goortaasoo si aad ah loo bartay afartii sannadood ee uu fillada fadhiyay, waana halka laga akhriyo qofka uu yahay Xassan Sheekh. Wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee gabdho Soomaaliyeed ka beec mushtara.
Wuxuu sannadkii 2010 iyo billowgii 2017 Muqdisho ka dhoofiyay 10, 000 oo gabdho Soomaaliyeed ah oo uu qandaraas uga soo qaatay Sucuudiga si ay shaqaale uga noqdaan dalkaas, gabdhahaas ayaa dhib badan la kulmay baroortooda iyo wixii ku dhacayna waa mid laga wada dharagsan yahay.
Waa madaxweynihii ugu horreeyay ee dhulka Soomaali galbeed ku tilmaamay inuu yahay dhul Itoobiya leedahay kadib booqasho uu ku tagay jigjiga bishii ogost ee 2016, halkaasoo uu dhaanto kula soo ciyaaray madax Itoobiyaan ah iyo Cabdi Iley.
2013, wuxuu la kulmay Obama madaxweynihii Mareykanka, waxaana dowladdiisa laga saaray kumeel gaarnimadii si ay awood ugu hesho iney wax walba saxiixi karto. Bishii February ee isla 2013 wuxuu London ku booqday ra’iisulwasaarahii Ingiriiska David Cameron isagoo u saxiixay heshiisyo badan oo qaarkood lagu soo bandhigay shirkii London ka dhacay xilligii uu isagu madaxweynaha ahaa.
Waa nin hey’ado iyo NGO-yo lasoo shaqeeyay oo inta badan maamul goboleedyada kula tacaamula in wixii la helo la kala qeybsado oo la kala shaqeysto, dhanka kalana aan oggoleyn iney la heshiiyaan dowlado aan ahayn kuwa ay saaxiibaha yihiin.
Waa madaxweynihii ugu horreeyay adduunka ee oggolaaday in qashin laga keenay dal kale lagu soo daadiyo wadankiisa, wuxuu ahaa heshiis ay dowladdiisu la gashay shirkadda Chinook Urban Mining International, oo laga leeyahay Ingiriiska heshiiskuna wuxuu dhigayya in badda Soomaaliya lagu soo qubo 1.5 milyan oo metrik ton oo qashin ah, sida ay qortay Monitoring grop.
Inta badna afartii sano ee ay dowladdiisu jirtay waxaa ku amar taagleyn jiray Gabre oo ahaa Korneyl Itoobiyaan Tigre ah, markii ay dagaalameen Barre Hiiraale iyo Axmad Madoobe isagana uu la saftay Barre (waa xassan sheekh,e) waxaa la xasuustaa in dhammaantood looga yeeray Adis-ababa halkaasna qodobo loogu soo kala saxiixay.
Dowladdiisii waxay aad ugu tumatay xuquuqda rayidka, ciidamadiisii iyo kuwa Bankaraf ee uu Mareykanku tababartay waxay dad kasoo afduubi jireen degaanada u dhow Afgooye kadibna intey Xamar geeyaan ayay wadooyinka gaadiid ku wareejin jireen iyagoo ka dalbanaya iney u farmuuqaan cid walba oo ay ku arki jireen degaanadaas, markaasaa waxay xeri jireen qof kasta oo loo farmuuqo wuxuu doono ha ahaado’e, waana midda keentay in ay reer galbeedku ku canaantaan kuna amraan in uu casilo taliyihiisii nabad sugidda C/raxmaan Tuuryare.
Xagga ammaanka wuxuu ahaa madaxweynihii ugu fashilka badnaa, shaqsi ahaan isaga wuxuu muddo 3 goor ah ka badbaaday weeraro lagu khaarajin lahaa oo 2 kamid ahi ka dhaceen gudaha madaxtooyada jeer uu goob joog ahaa. Xilligiisii waxaa si rasmi ah usoo shaac baxday taagdarrida ciidamada shisheeye ee markaa la oran jiray Amisom. Jully 2015 waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab cagta marisay boqollaal ciidamo Burundeys ah oo heystay degaanka Leego ee gobolka Sh/hoose. Isla 2015 bishii September waxaa dhacay weerarkii Jannaale ee sida daran loogu gumaaday guutooyinkii ciidanka Uganda. 2016 waa markii ciidanka Kenya lagu laayay degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, waana tii uu meydadkooda uga daba tagay wadankooda una soo rukuucay.
Dib u doorashada Xassan Sheekh ayaa kusoo aaday iyadoo Al-Shabaab sidii hore kasii xoogeysatay, iyadoo ciidamada shisheeye ku ilka beeleen dagaalka laguna weeraro godadkii ay ku urureen, waxaa u dambeeyay weerarkii cagta lagu mariyay ciidankii Burundi ee heystay degaanka uu Ceelbaraf, waxaa laba sano kadib soo gabagabooya hawlgalka Atmis.
Farmaajo ayaa habeenkii doorashada Xassan Sheekh muddo laba goor ah u sheegay iney hawl adag hor taallo, waxaana la is weydiin karayaa waa maxay waxa uu soo kordhin karayo Xassan Sheekhii shalay la yaqiinay?.