Wareega 3-aad ee doorashada madaxtinimada DF ayaa waxaa isugu soo baxay Xassan Sheekh Maxamuud iyo Farmaajo, kadib markii ay wareegii labaad kasoo gudbeen.
Labadan musharax ayaa waxaa wareegii labaad tartanka ku wehlinayay Xassan Cali Kheyrre iyo Saciid Cabdullaahi Deni.
Xassan Sheekh ayaa haatan helay 110 cod, Farmaajo wuxuu helay 83 cod, Deni 68 cod, halka kheyrre uu helay 63 cod, sidaa darteed gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ay wareega u dambeeya usoo gudbeen Xassan Sheekh iyo Farmaajo.
Lama saadaalin karo labadooda qofka soo baxaya, laakin waa laba nin oo shacabka Soomaaliyeed wada garanayaan eed badanna ka galay.