Dowladda Hindiya oo kamid ah dowladaha kaalmaha hore kaga jira soo saarista Qamdiga iyo u dhoofinta caalamka ayaa qaadatay go’aan kedis ah oo ay ku sheegtay iney gebi ahaanba joojisay in wax qamadi ah oo kasoo baxay dalkeeda loo dhaafiyo caalamka intiisa kale.
Tallaabadan iyo go’aankan ay qaadatay dowladda Hindiya ayaa loo sababeynayaa mid ay kaga hortageyso in haddii xiisadaha ka taagan dunida ay sii kordhaan ay saameyn ku yeelato dadkeeda oo aad u farabadan.
Dowladaha caalamka ayaa aad uga naxay tallaabadan, iyagoo tilmaamay iney aad uga xunyihiin go’aanka kasoo baxay dowladda Hindiya oo sii kordhinaya sicir bararka hareeyay suuqyada cuntada ee Adduunka, wixii ka dambeeyay markii Ruushku duulaan ku qaaday dalka Ukraine dhamaadkii bishii Febraayo.
Wargeyska New York Times ayaa warbixin uu qoray wuxuu kaga hadlay culeesyada go’aanka dowladda HInidya ee la xiriira dhoofinta qamadiga uu ku keenayo suuqyada caalamiga ah iyo siyaasiyiinta gacanta ku haya dowladaha caalamka.
Sida warbixintu tilmaameyso, dowladda Hindiya ayaa ah dalka labaad ee dhoofiya qamadiga, waxaana go’aankan ay qaadatay dowlada Hindiya uu shaki la’aan horseedayaa inuu sii kordho qiimaha qamadiga, oo horeyba u kacay, wixii ka dambeeyay duulaankii Ruushka ee Ukraine.
Hindiya ayaa gacanta ku heysa kudhawaad 10% keydadka caalamka ee miraha, waxaana arintas ugu wacan sida y tilmaameyso wasaaradda beeraha ee Maraykanka, in dowladda Hindiya ay si aad ah u taageerto beeralayda ka shaqeeya wax soo saarka beeraha.
Go’aankan ay dowladda Hindiya ku joojisay in wax qamadi ah u dhoofiso caalamka ayaa kasoo baxay wasaaradda ganacsiga maalintii Jimcaha, waxaana uu burinayaa ballanqaad hore oo uu ra’iisul wasaaaraha Hindiya ninka lagu magacaabo Muudi u sameeyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, kaasoo ah in Hindiya ay caalamka siin doonto keydadkeeda dalaga, ayna dabooli doonto firaaqa xaga cuntada la xiriira ee uu dhaliyay dagaalka Ruushka ee Ukraine.
Muudi ayaa xilligaas wuxuu beeraleyda dalka Hindiya iyo hay’aadka dowladda ee arimaha beeraha ku dhiirageliyay iney ka faa’ideystaan fursadan dhaqaale ee usoo hooyatay, ayna daboolaan baahida caalamka ee la xiriirta qamadiga.
Bayaan kasoo baxay wasaasardda ganacsiga ee dowladda Hindiya ayay ku sheegtay in go’aanka xanibaada dhoofinta Qamadiga la qaatey kadib markii la arkay in badqabka cunta ee dalka uu halis ku jiro, sababo la xiriira sicir bararka baaxadda leh ee ku yimid qiimaha qamadiga oo ah cunto asaasi u ah Aadanaha.
Sida ay tilmaameyso warbixinta uu daabacay wargeyska New York Times, go’aanka dowladda Hindiya ay qaadatay wuxuu markale dharbaaxsho kulul ku yahay hay’adaha dowliga ah ee bilooyinkii lasoo dhaafay juhdi ku bixinayay sidii loola tacaali lahaa sicirka bararka baaxadda leh ee halakeeyay suuqyda caalamiga ee cuntada iyo shidaalka.
Hay’adda cuntada ee Adduunka, magaceedana loo soo gaabiyo WFP ayaa sheegtay in 47 malyan oo ruux oo kunool adduunka ay ka cabanayaan gaajo iyo baahi, tiradadaasna la filan karo inuu koror ku yimaado haddii uu sii socod dagaalka Ruushka ee Ukraine.
Caarif Xuseen oo kamid ah khubarada ku takhasusay arimaha dhaqaalaha, kana tirsan WFP ayaa sheegay in hay’addu ay ku dhiiragelisay dowladaha caalamka ee soo saara qamadiga ineysan xanibaad kusoo rogin dhoofinta qamadiga, si culeesyada looga khafiifiyo dowladaha ku tiirsan cunnooyinka dibadda laga soo waarido.
Inkastoo go’aanka ay qaadatay dowladda Hindiya ay dad badan aaminsanyihiin iney dani ugu jirto shacabka dalkaas, hadana dadka qaar ayaa ka xumaaday, gaar ahaan ganacsatada beeraleyda ee bilihii lasoo dhaafey aad u abuurtey qamadiga, rajeynayana in suuqyo fiican oo caalami ah u helaan.
Ashuk Jowlati, waa ganacsade hindi ah oo xooga saara tacabka, wuxuu sheegay in go’aanka kasoo baxay dowladda Hindiya uu ka hor imaanayo talooyinkii uu horey u bixiyay ra’iisul wasaaraha dalka, kaasoo ku dhiirgaeliyay beeraleyda reer Hindiya iney xooga soo saaraan wax soo saarka qamadiga.
Dowladda Hindiya ayaa markale war ay soo saartay waxay ku sheegtay in go’aanka xanibaada qamadiga aanu saameyn doonin dowladaha faqriga ah ee u dhow dalka, iyadoona dowladdu tilmaamtay in nisbo kooban oo jaan go’an la dhoofin doono.
Waxay sidoo kale dowladda Hindiya sheegtay in shirakdaha gaarka loo leeyahay ee dalka Hindiya, horeyna heshiisyo ula galay jihooyin caalami ah ay u ogolaan doonto iney ka dhabeeyaan heshiisyada ay horey u galeen.
Dowladaha ugu badan ee ay Hindiya u dhoofiso qamadiga waa Srylanka, Bangaladesh iyo Nibal, waxaana dalalkan ay si adag ugu tiirsanyihiin qamadiga beeraleyda dalka Hindiya.
Heer kulka oo aad u batay sababo la xiriira roobka oo yaraaday ayaa sababay iney gubtaan qamadiga lagu beeray beeraha Hindiya. Inkastoo dalkan uu noqonayo dalka labaad ee ugu badan ee dhoofiya qamadiga, hadana waxay warbixinnadu tilmaamayaan in qamadiga kasoo baxa intiisa badan laga isticmaalo gudaha dalka.
Masar ayaa kamid ah wadamada ugu badan caalamka ee ku tiirsan qamadiga dibadda laga keeno, waxaana wasiirka beeraha ee Masar uu sheegay in go’aanka Hindiya aanu saameyn doonin dowlado ay Masar ku jirto.
“ Wadahadallo toos ah ayaan la leenahay Hindiya, Kazakhistaan, Austrelia iyo Faransiiska, waxaana ku dadaaleynaa inaan la gaarno heshiisyo aan uga soo iibsano qamadiga” ayuu yiri wasiirkan masriga ah.
Ka hor dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, waxay labadaasi dal caalamka u dhoofinayeen saddex meelood hal meel qamadiga loo suuq geeyo caalamka, waxaana markii uu dagaalku billowday inta badan burburey shirkadihii ka shaqeyn jirey arimaha beeraha, iyadoo beero badan oo ay ku yaaleen dalagyana ay gubteen, sababo la xiriira duqeymaha aan loo meel dayin ee uu Ruushku ku garaacayo Ukraine.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Hindiya oo hakisay dhoofinta Qamadiga