Waxa sii xoogeysanaya boobka dowladaha shisheeye ay ku hayaan kheyraadka badda Somaliya, iyadoo Marakiib laga leeyahay wadamada reer galbeedka ay xaalufin ku hayaan kaluulnka xeebaha Somaliya.
Hay’adda lagu magacaabo Blue Marine Foundation oo inta badan dabagal ku sameeyso wadamada ay ka socdaan kalluumaysiga xad-dhaafka ee sharci darrada ah ayaa sheegtay in xeebaha dalka Soomaaliya ay xaalufin ba’an ka wadaan Maraakiib laga leeyahay wadamada Faraniiska iyo Spain.
Warbixinno ay daabacday hay’addan ayaa soo bandhigaya caddeymo muujinaya kalluumeysi sharci darro ah oo ay maraakiibta Midowga Yurub ka wadaan xeebaha badweynta Hindiya, gaar ahaan maraakiibta labada wadan ee aan soo sheegnay.
Warbixintan ayaa soo gudbineysa dhaqdhaqaaqyada maraakiibta Spain iyo Faransiiska laga leeyahay ay ka wadaan biyaha Soomaaliya iyadoo xitaa aysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya in heshiisyo u ogolaanaya kalluumeysigooda la galeen DF.
Maraakiibta qaar ayaa gurta kalluunka xeebaha Soomaaliya iyagoo ku gabanaya heshiisyo aan sharci ahayn oo ay la galeen maamulada Soomaalida balse Maraakiibta Spain iyo kuwa Faransiiska ayaa si aan xishood iyo gabasho lahayn ugu dhiiran gurashada kalluunka Soomaaliya sida warbixinta lagu sheegay.
Arintan ayaa imaaneysa xili darraad warqad kasoo baxday Xafiiska Reysal Wasaaraha DF shaqadii looga joojiyey Wasiirkii arimaha dibada Cabdi Saciid Muuse kadib markii sida la sheegay uu fasaxay Markab siday Dhuxul sharci darra ah oo laga qaaday Somalia.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Boobka Shisheeyuhu Ku Hayaan Khayraadka Somaliya.