
Tan iyo markii uu dilaacay dagaalka dalka Yukreyn ayna dowladaha reer Yurub iyo Mareykanka ay cunaqabateymaha dhaqaale dul dhigeen dowladda Ruushka ayaa koror aan caadi aheyn laga dareemay suuqa lacagaha Digital-ka arrinkaas oo walaac ku beeray Bankiga adduunka iyo dhammaan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha maaliyadda.
Suuqan oo ah mid furan oo aysan jirin dowlad maamusha waxaa gacanta ku haya shirkado iyo maalqabeenno kuwaas oo sicirkiisa hadba dhan uroga balse ma jirto cid gacanta ku hayso lacaga Online-ka ee Digitaalka.
Dowladda Ruushka ayaa larumeysanyahay in lacagta Bitcoin ay ka dhiganayso aalad ay uga dabaalato xayiraadaha lagusoo rogay dhammaan hay’adaheeda maaliyadda, cunaqabateymaha ay Bunuukta Yurub iyo kuwa America ay saareen dhammaan bankiyada dowladda iyo ganacsatada ruushka ayaa sababay in Moscow ay u weecato adeegsiga Bitcoin.
Warbixiino soo baxay ayaa sheegaya in malaayiin ruux Russian ah ay furteen akoonno Bitcoin ah si ay uga badbaadaan xayiraadaha maaliyadeed iyo dabagalka dowladaha reergalbeedka.
Khabiir si dhow ula socda isticmaalka lacagaha lagu isticlaamka Internetka ayaa sheegay in tallaabadan ay middo laba afle ah ku tahay dowladda uu madaxda ka yahay Faladamiir Putin.
Wuxuu sheegay in ku yaacidda dadka Russian-ka ee lacagahan ay faa’iido uleedahay dhaqaalaha wadanka balse ay halis ku tahay amniga gudaha Ruushka sababtoo ah waxaa meesha ka baxaysa xakameyntii dhaqaale ee dadweynaha.
majirayo bankiyo safaf dhaadheer loo gelayo si lacagaha loogala baxo mana jiraan haba yaraatee wax lasocod ah oo ay laamaha ammaanka ku yeelanayaan lacagaha laysugu xawilayo intenetka.
Khubaradu waxay sheegayaan in cadowga Ruushka uu fursad uhelayo abaabulidda iyo maalgelinta unugyo sirdoon isagoo ka faa’iidaysanaya lacagaha Online-ka shakina kuma jiro in khatarahaas amni uu iskasii fiirisado Putin oo ah jaajuus si qota dheer uga feejigan sirdoonnada reergalbeedka.
Lacagta Bitcoin-ka oo ah midda ugu qaalisan caalamka islamarkaana aysan jirin dowlad ama hay’ad gacanta ku haysa ayuu isticmaalkeedu aad u kordhay, malaayiin qof ayaa lacagta maalgashaday wixii ka dambeeyay sanadkii 2020-ka kolkaas oo uu caalamka aafeeyay caabuqa Covid19.
Qaaradda Afrika dowladdii ugu horraysan oo Afrikaan ah islamarkaana xaliif la ah Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay rasmi ahaan u adeegsanayso lacagtan Online-ka ku shaqaysa.
Dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ayaa looga dhawaaqay in ay sharci ka tahay lacagtan ayna dowladdu dhaqan gelinayso isticmaalkeeda, in dal Afrikaan ah uu dhaqan geliyo cryptocurrency ‘Kirib tu kaaransi” ayay khubarada dhaqaalaha u arkaan mid waalli ah oo saameyn ku yeelan doonta dadka saboolka ah.
Inkastoo dalkan afrikada dhexe uu hodon ku yahay Dahab-ka,macdanta Almaas-ka qaaliga ah iyo Yuuraaniyoowmta hadane dadkiisu waa kuwa ugu faqrisan caalamka sababa laxiriira boobka dhaqaale ee Faransiisku ka wado iyo Jahliga oo halakeeyay bulshada taas oo ay sii dheertahay dagaallada sokeeye.
Kulan ay maagaalada caasimadda ah ee Bangii ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka dowladda Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ayay ku ansixiyeen adeegsiga lacagta Bitcoin-ka.
Madaxweynaha afrikada dhexa ayaa isna wareegto uu soo saaray ku saxiixay sharci ahaanshiyaha isticmaalka lacagaha Digitaalka, dowladda afrika dhexe waxay xaliif weyn latahay Ruushka waxayna dalkeena ku martigelisay ciidamo Ruushiyaan ah iyo maleeshiyaad calooshood ushaqeystayaal ah oo katirsan shirkadda shirkadda Faagnar kuwaas oo loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada mucaaradka ah.
Diblumaasiyiin ku sugan bartmaha afrika ayaa sheegaya in tallaabadan ay dambiilayaasha caalamiga ah usahli doonto in ay howlgallo tuugaysi ah ka sameeyaan dalka afrikada dhexe iyagoo ka xaluulanaya dhammaan nidaamka lacagaha laysugu diro ee caalamka.
Caqabadaha waaweyn ee ku horgudban in dalkan laga dhaqan geliyo isticmaalka lacagaha Online-ka ayaa ah adegga internetka oo aan dalka ku faafsanayn, warbixin soo baxday sanaddii 2019 ayaa lagu sheegay in dadka afrikada dhexe ee Internetka isticmaalo aysan ka badneyn 4% waana nisbo aad u yar.
Lacagaha Online-ka ma isticmaalo karo qof aan haysan Internet xawaare sare leh, dalkan ay dagaallado daashadeena malahan nidaam internet oo taya leh, dadka afrikada dhexe ayaa isticmaala lacagta loo yaqaa Farank oo ah lacag ay dowladda Faransiiska kusoo rogtay intabadan dowladaha qaaradda afrika ee ay gummeysan jirtay.
Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in go’aanka ay qaadatay xukuumadda Baangii ee ay ugu wareegtay lacagta Bitcoin-ka uu yahay mid lagu wiiqayo lacagta Faransiiska ayna mas’uul ka tahay dowladda ruushka oo loollan adag uu kala dhaxeeyo faransiiska.
Caalami ahaan Central Africa waa dowladdii 2aad oo sheegta in ay meel marisay adeegsiga lacagaha Digitaalka horay waxaa go’aan kan lamid ah uqaadatay dowladda Esalfadoor ee qaaradda Laatiin Ameerika taas oo baabi’isay lacagteedi maxalliga aheyd una wareegtay lacagta Bitcoin-ka ee aysan jirin dowlad gaar ah oo gacanta ku haysa.