HomeAll newsCiidanka Burundi oo Ka Baxay Degaan Ay Ka Joogeen Sh/Dhexe.

Ciidanka Burundi oo Ka Baxay Degaan Ay Ka Joogeen Sh/Dhexe.

Ciidanka Burundi oo qeyb ka ah xulufada ATMIS ayaa goor dhow isaga cararay xero ay ka degganaayeen degaan u dhow deymada Balcad ee gobolka Sh/dhexe oo la yiraahdo Haan-Sheekh.

Waxay ahayd meel istaraatiiji ah oo ay ka ilaalin jireen saaxiibadooda Balcad ku sugan islamarkaana ay ugu talagaleen in aan dagaal toos ah magaalada gudaheeda lagu qaadin.

Xeradii ay ka bexeen ayaa waxay uga tageen qaar badan oo agabkoodii kamid ah, waxaana boob ugu dhaqaaqay dad weynaha sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka degaanka.

Ciidankan ka cararay xerada ayaa ku biiray kuwii Balcad ku sugnaa, arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan ay Xarakada Al-Shabaab soo afjartay ciidamadii Burundi ee heystay degaanka Ceelbaraf ee wilaayada Sh/dhexe.

(canadianpharmacy365.net)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular