Waxaa goordhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu dilay askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay askariga, waxaana ragga dilka geystay oo katirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka furteen qoriga uu watay.
Sidoo kale, qarax ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni waxaa lagu dhaawacay 3 askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.
Dhanka kale faafaahin ayaa laga helayaa qarax saddex maalin kahor ciidamada Itoobiya lagula eegtay deegaan u dhow degmada Ceelbare ee gobolka Bakool.
Ugu yaraan 5 askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 4 kale, waxaana laga burburiyay gaari booyad ah.