HomeAll newsAl-Shabaab Oo Weeraro Ku Qaaday Xeryaha Shisheeye Iyo Kuwa DF ee Sh/Hoose.

Al-Shabaab Oo Weeraro Ku Qaaday Xeryaha Shisheeye Iyo Kuwa DF ee Sh/Hoose.

Ciidamada Militariga Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weeraro fool-ka-fool ah ku qaaday saldhigyo ay ciidanka shisheeye kuwa DF ay ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa habeenimadii xalay waxay Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsadeen saldhigga shisheeyaha ee deegaanka No.60 ee gobalka Sh/Hoose.

Sidoo kale isla xalay waxay ciidamada AlShabaab weerar toos ah ku qaadeen fariisin ay askar katirsan ciidanka DF ka sameesteen xaafadda Nashinka ee degmada Jannaale.

Dhanka kale waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa qarax shalay galab ay Mujaahidiintu ku beegsadeen isbaaro ciidanka DF u taalla deegaanka Dalbiyaanka ee hoostaga degmada Qoryoole ee Sh/hoose.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay taliyaha isbaaradaas kaasoo lagu magacaabo Isaaq Maxamed Diiroole.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular