Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Aadan Maxamad Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta oo Sabti ahayd Muqdisho kula kulmay safiirka Imaaraadka Carabta iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Waxaa horreeyay kulanka uu la qaatay safiirka Imaaraadka ninka lagu magacaabo Maxamad Axmed Al Xamadi iyagoo shirkooda ka dhigay mid albaabada u xiran yihiin oo aan saxaafadda loo yeerin.
Xogaha laga helayo siyaasiyiinta Muqdisho ayaa sheegaya in Aadan Madoobe lagala hadlay sidii uu madaxweyne ugu soo bixi lahaa mid kamid ah musharaxiinta ay wadato dowladda Imaaraatka Carabta.
Safiirka Imaaraatka ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka u ballan qaaday dhaqaale badan iyo taageero dhanka siyaasadda ah haddii uu kaalintiisa ka qaato sidii Farmaajo loo fashilin lahaa.
Dowladda Qadar iyo Imaaraatka oo labaduba wakiilo ka ah reer galbeedka ayaa sannadihii ugu dambeeyay ku loolamayay siyaasadda Soomaaliya, Qadar ayaana horey ugu soo guuleysatay iney keento Farmaajo, waliba xusul duubkaasi waa ay wadaa, walow Imaaraatku ay dhankooda dadaal badan muujinayaan.
Kulankan kadib, waxaa Aadan Madoobe shir degdeg ah ka dalbaday ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ninka la yiraahdo James Swan iyagoo wada qaatay kalfadhi kale oo irdaha loo laabay.
Inkastoo shirkaasi kadib saxaafadda la siiyay warar aan gunta hoose ahayn, haddana waxay wararku sheegayaan in Aadan Madoobe lagala hadlay kaalintiisa ku aadan sidii lagu soo saari lahaa musharaxa ay wataan beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.
Dhawaan ayaa lagu dhawaaqay in todobad kadib doorasho loo qabanayo ragga u tartamaya kursiga madaxweynaha DF oo dhammaantood ah kuwa heysta dhalashooyin shisheeye kana shaqeeya maslaxadda wadamada ay ka yimaadeen.