HomeAll newsShil Khasaarooyin Kala Duwan Geystay Oo Ka Dhacay Kenya.

Shil Khasaarooyin Kala Duwan Geystay Oo Ka Dhacay Kenya.

Shilkaan ayaa waxa uu ka dhacay mid kmaid ah wadooyinka waaweyn ee isku xira magaalooyin ku yaalla gudaha dalka Kenya, iyadoona laga helayo tafaasiil dheeraad ah.

Sida ay xoguhu tilmaamayaan, shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen gaari rakaab ah oo ay dad badan saarnaayeen iyo mid kale oo xamuul ah.

Inta la xaqiijiyay 4 qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gawaarida isku dhacday ayaa goobta ku geeriyootay, iyadoona uu bur bur soo gaaray gawaarida.

Sidoo kale waxaa jira dad dhaawacya qaba oo aan tiradooda la shaacin, kuwaas oo la dhigay isbitaal caafimaad si xaaladooda loola tacaalo.

Waddanka Kenya ayaa waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanayay shilalka nuucaan ah, iyadoona arrintaan ay walaac ka muujisay dowladda Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular