HomeAll newsSawirro: Dabka Suuqa Waaheen oo Liqay %40 Hantidii Hargeysa.

Sawirro: Dabka Suuqa Waaheen oo Liqay %40 Hantidii Hargeysa.

Dabkii habeen hore ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ayaa sababay khasaare lixaad leh xilli waliba xarumaha ganacsiga loo soo camiray Ramadaanka iyo Iida Aawgood.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Hargeysa ayaa saxaafadda u sheegay in dabku uu baabi’iyay %40 hantidii magaalada Hargeysa. Wuxuu ahaa dab xooggan oo qaatay muddo ka badan 20 saacadood.

Dad maal qabeenno ahaa ayuu dabkan ka dhigay kuwa fuqaro ah, kooxaha dabdamisku waxay sheegeen in dabkani uu ahaa musiibo si kastoo loo dadaalay la kari waayay in la baqtiiyo.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad uga walwalay musiibadan iyo khasaaraha soo gaaray ganacsatada Soomaaliyeed ee reer Hargeysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular