Ciidamada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgallo kala duwan ka fuliyeen magaalooyin iyo deegaanno ay koonfurta dalka kaga sugan yihiin ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay howlgal qorshaysan oo lagu beegsaday sarkaal katirsan maamulka Gobalka Banaadir ee DF.
Rag hubeysan oo katirsan ciidamada Al-Shabaab ayaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku khaarijiyay sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Tifow.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta waxay habeenimadii xalay dagaal culus ku qaadeen xarunta degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.
Dhanka Shabeellaha Hoose waxay ciidamada Al-Shabaab weeraro ku ekeeyeen saldhigyo ay ciidanka shisheeye iyo kuwa Soomaalida ah ku leeyihiin deegaannada Lafoole, Arbacow iyo Ceelasha Biyada ee duleedka magaalada Muqdisho.
Goobaha ay xalay dagaalyahanada Al-Shabaab weerareen waxaa kamid ah xero ay askarta DF kaga sugan yihiin degmada Xudur ee gobalka Bakool waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.
Sidoo kale Mujaahidiinta waxey shalay dagaal xooggan ku qaadeen saldhiga askarta maamulka Koonfur-Galbeed ee Makuudo ee dhaca duleedka magaalada Baydhabo waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay 2 askari oo katirsan ciidanka maamulkaas.