Ciidamada Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday xero ciidan oo ku taalla gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaana halkaas ka dhacay dagaal in muddo ah socday.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayay Mujaahidiintu si gaar ah ula beegsadeen xerada Cabdi Shirey ee magaalada Beydhabo oo fariisin u ah askarta maamulka Koonfur-Galbeed.
Sida ay tilmaamayaan wararka halkaas naga soo gaaraya dagaalka ayaa waxaa ka dhashay waxyeello soo gaartay askartii ku sugneyd saldhiga la bartilmaameedsaday.
Inta la hubo waxaa weerarka ku dhaawacmay laba askari oo mid kamid ah uu yahay taliyaha xerada la weeraray, kaasoo lagu magacaabo Cali Jinidile.
Magaalada Baydhabo oo xarun u ah maamulka Koonfur-Galbeed ayaa waxaa si joogta ah kaga dhaca howlgallo kala duwan oo ay halkaas ka fulinayaan ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwasoo marar badan lagu dhiig bixiyay saraakiil iyo askar katirsan Maamulka uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.