HomeAll newsMadaxweyinhii Hore Dalka Kenya Mwai Kibaki Oo Dhintay.

Madaxweyinhii Hore Dalka Kenya Mwai Kibaki Oo Dhintay.

 

Uhuru Kenyaatta oo ah Madaxweynaha dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in maanta uu geediyooday Mwai Kibaki oo ahaa madaxweynihii hore ee Kenya.

Kibaki oo ku dhintay da’da 90-ka sano ayaa ah Madaxweynihii 3-aad ee soo mara Kenya, tan iyo wixii ka dambeeyay sannadii 1963-dii.

Uhuru Kenyaatta ayaa Madaxweynaha isaga ka horreeyay ee Mwai Kibaki ku sifeeyay inuu ahaa shaqsiyad taariikh weyn ku dhex leh bulshada Keenyaanka ah.

Sidoo kale waxa uu Uhuru sheegay in dalka uu gali doono xaalad baroor diiq ah, inta laga aasayo madaxweynihii hore ee Kenya ee dhintay.

Ninkaan ayaa dalka Kenya maamulayay intii u dhexeysay sanadihii 2002 illaa 2013-ka

Sannadii 2007 waxa uu dalka Kenya marti galiyay iska hor-imaadyo culus oo uu dhiig badan ku daatay, ka gadaal markii ay dhacday doorasho uu kusoo baxay madaxweynaha hadda dhintay, waxaana iska hor-imaadyadaas ku dhintay in ka badan 1200 oo ruux.

Kibaki ayaa mudadii uu tala hayay waxa uu ciidan usoo diray Soomaaliya, kuwaas oo xad gudubyo bahalnimo ah ka geystay qeybo kamid ah goballada Gedo iyo Jubada-hoose, waxa una ciidankiisa u sheegay inuu kaga soo duceynayo kaniisadaha ku yaalla dalka Kenya.

Hasa yeeshee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duruus lama ilaawaan ah u dhigay ciidamada Kenya ee uu dalka usoo diray ninkaan hadda dhintay, waxayna Mujaahidiintu weeraro culus cagta ku mariyeen xeryaha ciidamada Kenya, kuwaas oo ay kamid ahaayeen weeraradii Ceel-Cadde iyo Kulbiyoow oo lagu xasuuqay ciidamado badan oo Keenyaati ah.

Intaa oo kaliya loogama harine waxay Mujaahidiinta ka tallaabeen xuduud beenaadka, iyagoona gudaha ugalay Kenya, waxayna sidoo kale halkaas ka geysteen weeraro khasaarooyin culus lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular