Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya in barqanimadii maanta qarax xooggan lagala beegsaday sarkaal katirsan ciidanka militariga DF.
Qaraxa oo haleeyay gaari C/bile ah oo uu watay General Maxamed Xaashi oo ah Lataliyaha gaarka ah ee Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha ciidanka militariga DF ayaa ka dhacay wadada u dhaxeeysa Digfeer iyo Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Sida ay tilmaameen ilo xog-ogaal qaraxa ayaa bur-buriyay gaariga lala beegsaday waxaana ku dhaawacmay General Maxamed Xaashi oo ahaa bartilmaameedka weerarkaan iyo hal askari oo kamid ah ilaaladiisa.
Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhimatay 4 askari oo katirsanaa ilaalada gaar ah ee sarkaalka la beegsaday.