Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya in caawa laba howlgal oo lagu beegsaday xubno katirsan ciidanka DF ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.
Rag hubeysan oo katirsan ciidanka Al-Shabaab ayaa deegaanka Tabeelaha Sh-Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho waxay ku khaarijiyeen sarkaal katirsan ciidanka Nabad Sugida DF.
Sida aan wararka ku helnay sarkaalkaan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Siidow Xassan Deerow.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal qorshaysan waxay ka fuliyeen degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.
Howlgalkaan ayaa waxaa lagu dilay Cali Xasan Kulmiye oo ahaa askari katirsan ciidanka dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.