HomeAll newsDuqeyn Culus Oo lagu Garaacay Saldhiga Xabashida ee Degmada Bardaale.

Duqeyn Culus Oo lagu Garaacay Saldhiga Xabashida ee Degmada Bardaale.

Guutada Madaafiicda ee Xarakada  Al-Shabaab ayaa maanta tiro gantaallo ah la beegsatay saldhiga ciidamada Xabashida ay kaga sugan yihiin degmada Bardaale ee gobalka Bay.

Sida wararka aan ku heleyno ilaa iyo 10 madfac ayaa ku dhacday gudaha xerada ciidanka Itoobiya kuwaas oo jugtooda laga maqlay inta badan magaalada Bardaale, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 
Inta la xaqiijyay waxaa duqeynta ku dhintay 1 askari oo katirsan Xabashida Itoobiya waxaana ku dhaawacmay 3 askari oo kale halka sidoo kale ay ku gubteen ilaa 3 Teendho oo yaallay xerada Xabashida.
 
Wararka ayaa intaas ku daraya in duqynta kadib ay saldhiga soo gaca dhigatay diyaarad Helokobtar ah, taas oo qaaday meydadka iyo dhaawacyada askarta Xabashida Itoobiya.

(gavinbros.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular