Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Arrika ayaa ku waramaya in dad soomaali ah ay ku dhaawacmeen shil ka dhacay mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkaas.
Shilkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay Xaafad katirsan Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaana ka dhashay khasaara isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad Soomaali ah.
Inta la xaqiijiyay hal ruux oo aan la shaacin halka uu kasoo jeedo ayaa ku dhintay shilkaan, halka ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo Soomaali ah.
Sida ay wararku tillmamayaan qaar kamid dadka Soomaalida ah ee ay dhaawacyadu soo gaareen ayaa ah kuwa uu dhaawacoodu daran yahay, waxaana la dhigay isbitaal ku yaalla Magaalada Johannesburg halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Shilkaan ayaa yimid sida ay wararku tibaaxayaan ka gadaal markii ay isku dheceen laba gaari oo mid kamid ah ay saarnaayeen 5-ta ruux ee Soomaalida ah islamrkaana ku dhaawacmay shilka.
Dad Soomaali ah oo ubada ganacsato ka shaqeysanaysay gudaha Koonfur Africa ayay marar waxyeello kasoo gaartay