HomeAll newsDaawo Somaliland oo Dad Badan Kasoo Xirtay Gobolka Awdal.

Daawo Somaliland oo Dad Badan Kasoo Xirtay Gobolka Awdal.

Maamulka Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafay lagu eedeynayay inuu culeys ku hayo gobolka Awdal ayaa lagu soo waramayaa inuu halkaasi kasoo taxaabay dad badan oo bulshada kamid ah.

Siyaasiyiin uu kamid yahay Cukuse ayaa shir-jaraa’id oo ay qabteen uga hadlay arrintan, waxay sheegeen in sharci darro loo soo xiray dad badan oo aaney jirin wax sax ah oo lagu heysto.

Cukuse ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu caan ku noqday inuu xabsi wadareed ku sameeyo bulshada islamarkaana uu halkaasi waqtiga kaga kulmiyo.

Xildhibaan Abiib oo kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa todobaadyadii tega aad u dhaliilayay maamulka uu hogaamiyo Muuse Biixi, lamana oga in sababta dadka loo soo taxaabay ay arrintaasi la xariirto.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular