Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay qarax aad u weyn kaasoo lala eegtay goob ay ku kulansanaayeen mas’uuliyiin, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ay ku jiraan xildhibaanada cusub ee DF.
Halka uu qaraxa ka dhacay oo ku taalla agagaarka xeebta Liido ayaa waxaa in muddo ah ku qulqulayay gaadiidka gurmadka ee Ambalaasta loo yaqaano waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war horudhac ah kasoo saaray dhacdaday iyagoo sheegtay in howlgal qorsheysan ay ku beegsadeen saraakiil iyo siyaasiyiin ka tirsan DF.
War kooban oo qoraal ah oo kasoo baxay Afhayeenka ciidanka Sh/C/casiis Abuu Muscab ayaa waxaa lagu yiri: “Mujaahidiintu waxay hawlgal qorshaysan ka fuliyeen degmada Cabdi casiis ee Magaalada Muqdisho. Waxaa hawlgalkaas lagu beegsaday masuuliyiin, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka tirsan kooxda ridada ah. Waxaa jira khasaare dhimadho iyo dhaawacoo ka dhashay hawgalka. Wixii faahfaahin ah dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha’Allaah.”
Afhayeenka Ra’iisulwasaaraha DF ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan oo uu ku jiro taliyaha ciidanka Police-ka DFS, waxa kale oo ilo wareedyo sheegayaan in ay joogeen siyaasiyiin u badnaa xildhibaano.
Weerarkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo maalin ka hor uu taliyaha Booliska DF shaaca ka qaaday in Muqdisho ay kusoo badanayaan weerarada ka dhanka ah dowladda gaar ahaan ciidanka, habeenka ay ugu yar tahayna Xamar lagu dilo 2 illaa 3 askari oo Boolis ah.
Waxa kale oo uu weerarkan kusoo hagaagayaa iyadoo Muqdisho ay ku sugan yihiin musharaxiin badan oo doonaya iney ka qeyb galaan doorashada, dowladda Federaalka ayaa u muuqata mid aanan damaanad qaadi karin ammaankeeda, kan musharaxiinta iyo amniga ajaanibta.