HomeAll newsAadan Madoobe oo Loo Doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Aadan Madoobe oo Loo Doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Doorasho habeenkii xalay ka dhacday xeyndaabka xerada Xalane ayaa waxaa gudoomiyaha Baarlamaanka DF logu doortay Aadan Maxamad Nuur (Aadan Madoobe) oo horey xilkan usoo qabtay.

Aadan Madoobe ayaa tartan xooggan kala kulmay xildhibaan lagu magacaabo Xasan Cabdinuur, balse ugu dambeyntii waa uu ka cod badiyay kadib markii qaar kamid ah tartamayaashii kale ay ugu shubeen Aadan Madoobe.

Natiijada doorashada waxaa ku dhawaaqay guddoomiyihii KMG ahaa ee baarlamaanka, Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod iyadoo musharaxii la loolamayay ee Xasan Cabdinuur uu helay 89 cod.

Waxay ahayd doorasho ay ku loolamayeen dad ka kala socda Farmaajo iyo Rooble, lana adeegsanayay dhaqaale iyo laaluush badan la adeegsanayay, waxaana soo bixitaanka Aadan Madoobe ay ka dhigan tahay in Farmaajo looga guuleystay doorashada.

Madoobe ayaa kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Itoobiya ku xirnaa ee Baydhabo, wuxuuna DF kaga soo biiray Baydhabo markii ay ciidamada Itoobiya qabsadeen.

Goobta ay doorashadu ka dhacaysay ayaa waxaa ku hareereysnaa ciidamo shisheeye, ajaanib kala duwan oo reer Galbeed ah ayaa usoo hambalyeeyay Aadan Madoobe oo ay todobaadyadii lasoo dhaafay kulamo gaar gaar ah kula qaadanayeen gudaha xerada Xalane.

Shalay oo dhan waxaa jiray isku dhacyo ka dhalanayay jid-gooyooyin ay xildhibaanada u dhigeen ciidamo kamid ah kuwa taabacsan Farmaajo si loo baajiyo doorashada, laakin ma suura galin oo xildhibaanada ayaa meelo kala duwan ka galay halkii ay doorashadu ka dhacaysay oo ay xalay oo dhami ku sugnaayeen.

Maadaama Farmaajo looga guuleystay xilka gudoomiyaha Baarlamaaka, wuxuu dadaal badan ku bixinayaa in xilka gudoomiye ku xigeenka kooqaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka ay kusoo baxaan dad uu isagu wato oo ay kamid tahay Khadiijo Maxamad Diiriye, laakin sida ay siyaasiyiintu sheegayaan lama sii saadaalin karo sida ay wax noqon karayaan.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular