Gudiga gurmadka Abaaraha iyo Jimciyada Al-ixsaan oo iskaashanaya ayaa soo gaba gabeeyay Wajiga labaad ee raashin qeybintii kasocotay gobalka shabeelada hoose iyagoona ka qebiyay deegaano iyo dagmooyin katirsan gobalka
Gurmadka oo qaatay ku dhawaad 10 Cisho ayaa laga bilaabay deeganka gor,gaal oo hootaga dagmada qoryooley waxaana xigay deeganka ilamey iyo farsooley oo hostaga dagmada tooratoorow,iyo dagmada kurtun,waarey iyo deeganka buulo warbo dhaayiney oo hoostaga kurtun waarey.
Guud ahaan goobahaasi dadka loogu qeybiyay raashinka waxay gaarayan 1002 qoys.
Ugu danbeyntii Jimciyada Al-ixsaan ayaa Raashin qeybinta kusoo gaba gabeysay deegaanno hoostaga dagmada baraawe oo katirsan gobalka shabeelaha hoose,
300 oo qoys ayaa raashin loogu qeybiyay marin gubay,196 ruuxna waxaa raashinka loogu qeybiyay garasweyne Halka 324 ruuxna raashin loogu qeybiyay dawdheer.
Guud ahaan qoysaska marka la isku darana waa 820 qoys.
Si kastaba ha ahaatee Gudiga Gurmadka Abaaraha ayaa weli raashin qeybin ka wada qeybo badan oo katirsan dalka Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.