HomeAll newsWaare: "Raascaseyr Ilaa Jasiiradaha Baajuuntaa Laga Soo Qeyliyay Kor Adagaa Ninku" (Dhageyso)

Waare: “Raascaseyr Ilaa Jasiiradaha Baajuuntaa Laga Soo Qeyliyay Kor Adagaa Ninku” (Dhageyso)

Hogaamiyihii hore ee maamulka Hirshabelle, Maxamad Cabdi Waare, ayaa si kulul uga hadlay muddo kororsiga uu sameeyay Farmaajo oo wali sii damaacinaya inuu waqtiga madaxtinimada sii dheereysto.

Waare ayaa sheegay in Farmaajo uu marin habaabiyay shacabka Soomaalida islamarkaana uu dalka haadaan ka tuuray, wuxuu tusaale usoo qaatay xaaladda uu haatan wadanka marayo iyo dhallanteedka la jilayo.

Waare ayaa xusay in Farmaajo uu 2017kii dadka u sheegay inuu noqonayo nin nabadoon ah, laakin muddo yar kadib uu dowladdiisa dhexdeeda ka billaabay dagaal iyo inuu ciidamo gaar ah u sameysto cid walba oo ka fakar duwan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Farmaajo uu yahay nin kor adag oo aanan u tureyn dadka amase aan tix galineyn qeylo dhaanta isdaba joogga ah ee meel walba kasoo yeereysa taasoo looga dalbanayo inuu xilka isaga dago.

Madaxda DF iyo siyaasiyiinta taabacsan ayaa dhowr qeyb u kala jaban, waxaana ugu wacan saameynta ay dowladaha shisheeye ku leeyihiin, nin walba oo madaxda kamid ah wuxuu wataa dhalasho shisheeye, waxa ugu badan ee la isku qabanayana waa masaalixda dalalkaasi shisheeye iyo dhaqaalaha laga qaato.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular